Rio Ferdinando Oo Sugay In Old Trafford Ay Guul Ku Macsalaameyso Tababare Sir Alex Ferguson.

Rio Ferdinando Oo Sugay In Old Trafford Ay Guul Ku Macsalaameyso Tababare Sir Alex Ferguson.

daajis.com:-Gool soo daahay oo uu dhaliyay Rio Ferdinand ayaa u sahlay Manchester United iyo garoonka Old Trafford iyo guul iyo reyn reyn ku macalaameeyaan tababare Sir Alex Ferguson ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Swansea City.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa kulankiisii ugu danbeysay ee Old Trafford gaaray go’aan weyn isagoo gabi ahaanba ka saaray maanta kooxdiisa ciyaaryahan Wayne Rooney kaasoo maalmo ka hor kooxda ka dalbaday in la iibiyo.
Xiddiga reer England ayaana lagu qasbay inuu taribuunka ka soo daawado kulanka Old Trafford ay ku macsalaameyneysay tababare Sir Alex Ferguson oo 26 sannadood iyo bar ka dib ka tagaya shaqada Manchester United.
Bilowgii ciyaarta ayaa ciyaartoyda Man United iyo kuwa Swansea City iyo shaqaalaha Red Devils ay u soo safteen tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Premier League iyagoo siiyay sacab sharafeed ay ku sagootinayaan SAF.
Waxaana garoonka Old Trafford oo ahaa mid intiisa badan midabka guduudan uu qariyay lagu soo bandhigay boorar lagu muujinayo sida weyn ee ay u ixtiraamayaan macalinkooda ugu guulaha badan kaasoo ciyaaraha ka fariisanaya.
Ciyaarta lafteeda oo aheyd mid aan waxba ka bedeleynin kala sareynta horyaalka ayaa waxaa hogaanka ku hormartay kooxda Manchester United iyo Javier Hernandez uu goolka u saxiixay qeybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin Swansea ayaa heshay goolka barbaraha bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta markaasoo gool qurux badan uu u saxiixay Michu.
Ciyaartaan ayaa sidoo kale qiimo weyn ugu fadhisay Paul Scholes kaasoo ku soo bilowday islamarkaana si rasmi ah uga fariisanaya ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana markii la bedelay qeybtii labaad looga sarre joogsaday garoonka Old Trafford iyagoo sidoo kale sogootinayay halyeeygooda khadka dhexe.
Dhamaadkii ciyaarta ayaana Rio Ferdinand uu goolka guusha u saxiixay kooxda Manchester United isagoo goolkiisii u hadiyeeyay tababarihiisa Sir Alex Ferguson, islamarkaana kulankiisii ugu danbeeysay ee Old Trafford uga dhigay mid guul ah iyo reyreyn ka soo baxda jamaahiirta Old Trafford.
Ferdinand ayaa ah ciyaaryahankii 20aad ee xilli ciyaareedkan Man United shabaqa u soo taabtay horyaalka Premier League, taas ayaana ah rikoor cusub tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League.
Sidoo kalena kulankii ugu horeysay ee Sir Alex ee Man United  e Old Trafford waxaa gool u dhaliyay oo ku soo dhaweeyay ciyaaryahan daafac ah, waxaana kulankiisii ugu danbeeyay ee Old Trafford gool ku macsalaameeyay ciyaaryahan kale oo daafac ah.
Manchester United oo hore u sii xaqiijisatay hanashada horyaalka Premier League ayaana garoonka Old Trafford ku gudoomeysa koobkii 20aad ee horyaalka Ingariiska iyo koobkii 13aad ee Premier League ee uu qaado tababare Sir Alex Ferguson.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada