Ugaar ah Ragga oo idil hadii ay maraan wadadan waa hubaal in ay qabsadeen wadada jaceylka

Ugaar ah Ragga oo idil hadii ay maraan wadadan waa hubaal in ay qabsadeen wadada jaceylka

daajis.com:-Farxada dhabta ah ee guurka waxay timadaa markay labada qof mid kastaa dhankiisa ka dadaalo oo uu iska gudo waajibka saaran, kuna dadaalo sideey ugu noolaan lahayeen farxad markasta jirta oo ka soo iftiinta gurigooda.

Saas darteed waxaan ka soo hadalnay sababahay gabadhu ku soo jiidan lahayd ninkeeda , hadana waxaan halkan ugu soo jeedineynaa ISAGA siduu xaaskiisa usoo jiidan lahaa, waxaana Illaahay SWT ka baryeynaa inuu ku anfaco qofkasta oo akhriysta maqaaladan.

Haa isku dayin waligaa inaad xaqirto xaaskaaga, waayo taasi waxay wax u dhimeysaa qalbigeeda, caqligeeda iyo shakhsiyadeeda , taasna waxaaba sii dheer ineyna ku cafineynin waligeed , sikastooy kuu tidhaahdo waan ku cafiyay .


Xaaskaaga wanaag usamee , iyana way kuu wanaag sameynee ( wanaagaas waxaa ka mid ah sida markay xanuunsantahay ama uur leedahay inaad u dabacsanaatid kana caawisid hawsha guriga hana moodin ka caawinta hawsha guriga inay tahay wax hoos u dhigaya ragganimadaada ama ay waajib ku tahay iyada kaliya, waxaadna ogataa inuu Rasuulka scw ahaa markuu gurigiisa joogo mid u adeega xaasaskiisa , markaa walaalkeyga muslimka ahaw miyeysan kuugu sugnaanin ku dasho wanaagsan Nabi Muxamed scw! )


Ma ogtahay markaad xaaskaaga ku dhahdo waan ku jeclahay ineey kala qiima badantahay inaad siiso buur dahab!.

Xaaskaaga ku dheh oo ha kala xishoonin hana kala bakheylin hadalada macmacaan ee qalbiga soo jiita sida waxaadtahay iftiinka noloshayda ama markay jirto booqosho IWM aad ku tidhaahdo intaad iga maqnayd waxay igu noqotay sannado, waan kuu xiisay IWM.


Isku day inaad xaaskaaga u hadiyadayso sida: ubax, barafuum, cadar IWM , waayo hadayaddu siduu inoo sheegay Nabigeena scw waxay siyaadisaa jeceylka.

Ma ogtahay inay eegmadu door wayn ka ciyaarto jeceylka labada qof ee isqaba, taas oo kobcisa kalgacalka iyo raxmada ka dhexeysa labada isqaba , markaa haa kala bakheylin xaaskaaga inaad eegto eegmo aay ku jirto kalgacal iyo raxmad.


Isku day inaad xaaskaaga uqorto warqad hadalo macmacaan ku qoran yihiin uguna dhajisid meel aay ka arkeyso sida markaad aadeyso shaqada ama suuqa , taas oo aad ugu sheegeyso sida aad u jeceshahay, ugu xiisooneyso intaad maqantahay IWM.

Ogaw inay jeceshahay xaaskaagu inaad la sheekeysato sida inaad uga waranto tusaale ahaan waxyaalaha aad kala soo kulantay shaqadaada , iyadana sidoo kale weydiiso waxeey la kulantay maanta.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada