War Deg Deg Ah Ciidamo aad u Hubeeysan oo goordhaw Xoog kula wareegay Dakadda Magaalada Boosaaso

War Deg Deg Ah Ciidamo aad u Hubeeysan oo goordhaw Xoog kula wareegay Dakadda Magaalada Boosaaso

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan oo aad u Hubeesan la wareegeen Dekada Magaalada Boosaaso iyo baro kale oo muhiim ah ee horey ugu sugnaayeen Ciidamada ilaalada Puntland .


Ciidamadan la wareegay Dakada Magaalada Boosaaso ayaa Wararka sheegayaan in ee yihiin Ciidamo Gadood ah oo katirsan Ciidanka Puntland kuwaa oo kasoo baxay difaacyo ku yaala Duleedka Magaalada Boosaaso xoogna kula wareegeen Dakada Boosaaso.

Ciidamadan oo ah kuwa aad u Hubeesan ayaa ilaa xiligan heesta Dakada Boosaaso iyo Goobo kale oo Muhiim ah waxaan halkaasi ka jira cabsi xoogan oo laga cabsi qabo in Ciidamada Gadoodka ah iyo ciidamada kale ee Puntland daacada ah u ah uu dhax maro.

Waxaa sidoo kale Wararka aan heleyno sheegayaan in ee socdaan dadaalo iyo wadahadalo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo ciidamada gadoodsana lagu qanciyo in la xalinayo waxyaabaha keenay in ee la wareegaan .

Waxaa sidoo kale Jira cabsi ku aadan in Kooxaha Al-Shabaab katirsan ee ku sugan Buuraha Gal gala ee fursad u helaan in ee soo weeraraan Magaalada maadaama Ciidamada Gadoodsan lasoo sheegayo in ee yihiin Ciidamdaii ku sugnaa difaaca hore ee Dagaalada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada