War Deg Deg ah:Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diiday casuumad u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Qilaaf Cusub oo soo kala dhaxgalay!!

War Deg Deg ah:Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diiday casuumad u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Qilaaf Cusub oo soo kala dhaxgalay!!

daajis.com:-Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu diiday ka soo qeybgalka xaflad lagu dhaarinayay Taliyaha Ciidamada Booliska iyo Madaxda Sirdoonka Soomaaliya xaflad si kooban loogu qabtay xarunta Madaxtooyada oo dhawr qof ka soo qeybgashay

Wararka ayaa sheegaya in afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo diiday casuumad u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud isagoo sabab uga dhigay inay luntay nidaamkii wadatashiga iyo qaabka wax qeybsiga beelaha soomaalida.

Maalin ka hor ayaa fadhi ay lahaayan Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Digil iyo Mirifle lagu kala booday.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii hore Booliska Shariif Sheekhuna.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa isagoo ku qancinaya Maamulka Puntland waxaa uu eriyay Taliyihii Booliska Shariif Sheekhuna isagoo ku bedelay nin ka soo jeeda Gobola Puntland kaas oo kuxigeen u ahaan jiray Shariif Sheekhuna laakiin howlgab laga dhigay xilligii Sheekh Shariif markii Labada Sarkaal isku dhaceen.

Xafladii maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo kaliya shaqaalaha Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare halkaas oo lagu dhaariyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyed iyo Madaxda Sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kale Xaflada ma uusan imaan Jeneraal Shariif Sheekhuna Maye lamana sheegin sababta u soo xaadari waayay Maamaada Goobta Dhaariska ah laga Doonayya in uu Joogo Jeneraalka Xilka wareejiyay .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada