Doorashooyinkii Golayasha Deegaanka UK oo ay Gabar Somali ah kusoo baxday Bristol

Doorashooyinkii Golayasha Deegaanka UK oo ay Gabar Somali ah kusoo baxday Bristol

daajis.com:-Magaalada Bristol oo kamid ahayd goobaha sida weyn loolanka uga dhacay ayaa xildhibaanada kusoo baxay waxaa kamid ah Haweenay Soomaali ah oo u tartameysay xisbiga Shaqaalaha ee Labour.

Hibaaq Jaamac ayaa noqoneysa xildhibaanadii ugu horeysay oo Soomaali ah oo golaha deegaanka ee magaalada Bristol kusoo baxda, waxayna guusheeda qeyb ka ahayd kuraas badan oo ay heleen xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ku guuleystay inta badan magaalada Bristol codbixintii ka dhacday.
Hibaaq Jaamac ayaa ku guuleysatay degmada Lawrence Hill ee ka tirsan magaalada Bristol iyadoo si fudud uga guuleystay xildhibaankii kusoo xigay oo ka socday Xisbiga lagu tilmaamo inay yihiin cunsuriyiinta ee loo yaqaan UKIP (UK independent Party).


Xisbiga Labourka ayaa noqday kan ugu weyn ee magaalada Bristol oo kamid ahayd goobihii uu loolanka ugu xoogan ku dhexmaray xisbiyada u tartamayey golayaasha deegaanka, wuxuuna xisbiga Labourka helay 28 kursi, halka xisbiga kusoo xigay ee Liberalka uu helay 23 kursi, Xisbiga Conservative-ka ayaa helay 14 kursi, halka xisbiga Cagaarka (Green Party) uu helay 4 kursi iyo halka musharaxiinta madaxbanaan ay heleen hal kursi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada