Haddii aad dooneysid in aad Farxad ku noolaato ku qanac...

Haddii aad dooneysid in aad Farxad ku noolaato ku qanac...

daajis.com:-Waxaad moodaa in inta badan bulshada ay farxada ka raadiyaan meel ay jirin isla markaan uu qofba si u aaminsanyahay qaar ayaa aaminsan in ay farxadooda ku xirnaan lahayd lacag badan helaan qaarne lamaanahooda oo ka maqan iyo qof ay jeclaayeen halka qaar kale dhib heysto in uu ka dul kaco ay u noqon lahayd Farxad ugu weyn sida ay aaminsanyihiin .

Balse xaqiiqada dhabta ah Farxada qofka kuma xirno waxyaalahaas oo idil waxaan daliil kuugu filan waxa ka dhacayo aduuyada hareeraada ah is weydii imisa qof oo aad taqaan isla markaan lacag badan heysto oo aan hadane Farxad heysan ? imisaa heshay ruuxii ay jeclaayeen welina Farxad aysan is salaamin? imisa caafimaad qabto Farxad la sheegana aysan ka muuqan ?

Haddaba Farxada dhabtaa waxaa hela hal qof oo qura qofkaas oo ah qofka ku qanca qeyba alle qofka ku qanco waxa uu alle siiyey dhaqaalo caafimaad qoys nolashiisa heerkii ay doonto haka joogtee qofkii ku qanco oo ku raali ahaado waa qofka keliya ee farxada helo .

Hadaba DAAJIS waxay ku leedahay si aad Farxad u hesho ku qanac wixii uu eebe ku siiyey hadii aan xanuunsantahay ogow dad ayaa kaa daran oo kaa liito haddii aadan hanti heysan balse heli karto wax aad saacadaas cunto ogow dad baan heysan xiligaas wax ay cunaan , haddii aad hal maalin qadsantahay ogow dunida waxaa ku nool dad aan maalmo wax xun .

Ku qanac qadarta alle waayo malaga yaabo wax uu alle kuu qoray in uu qof kale kaa hor istaago wax uu alle kuu qorina aduun weynaha oo idil kuma siin karaaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada