“Xageeda Waxaan Ka Ahay Danbiile Laakin Xaqiiqda Waxa Ay Tahay In Aan Daacad Ahaa”

“Xageeda Waxaan Ka Ahay Danbiile Laakin Xaqiiqda Waxa Ay Tahay In Aan Daacad Ahaa”

daajis.com:-Tan & Markii aan qalinka u qaadanay soo bandhigada qisooyinka fara badan ee soo marey bah weynteena soomaaliyeed ee faraha badan waxaa inoo suura galay inaan la kulano qisooyin dhaxal gal ah ku waas oo qof waliba ka dhaxli karo faa,idooyin macquul ah, ama lagaba yaabo inuu adiga daawo kuu noqdo.

Hadaba isbuucii tagay waxa aan si wanaagsan u sheekeeysanay oo aan waqti iyo wada hadal dhaxal gal ahaa wada qaadanay mid ka mid ah macaamiisheena aadka ugu xidhan barnaamijka qisso qaaban iyo qalinkii waasuge, shaqsigaasi waxa uu ahaa qof runtii iiga waramay qiso aad u cajiib aheed taasoo igu reebtey qoraal.

“Waxaa in muda ah inaga dhaxeeyey xariir wanaagsan oo dhaxal gal ahaa qof kasaahina waxa uu u hamuun qabey waa inaan ka miro dhalino jaceylkeena oo aan weel qura wax ku wada cuno kuna wada noolaano guri qura, baryo joogta ah salaadaha ka dib iyo is dhiira galin heegan ah had iyo jerna aan liicin ayanan ku jirnay.
Shaqsiyan waxa aan ahaa baaga muudo aan laheyn wax xirfad ah uu ku shaqeeysto dan yarna iska ahaa oo waxa aan la noolaa dhalin yaro iskaabula ah oo guri dagan waana halka aan ugu horeeyn isku baranay gabadhaa, mudadii aan wada soconayna waxaa aay ii gashay taageero hiil iyo hooba maadama aan ahaa nin dhalin yaro ah hadana aan shaqo haynin ayadoo niyada iigu dhisi jrtay inaan ka baxi doono noloshaan una wareego doono nolol mida ugu sareeysa maadaama aan ahaa qof noloshiisa kalahaa rajo weyn iyo si badal.
Waxaa igu dheeraadey waqtigii is badalka nolosha waxa aay noqotay mid aan waxba ku soo krodhin waxa aan gaarey ilaa heer aay I dhibsadaan dhalin yarii aan la noolaa ayagoo ii sheegey inaan la baxo kirada guriga ama aan iskaga guuro, taasina waxa aay aheed astaan buuxda ee nolosheyda saameyn ku yeelatay waxa ayna meesha ka saartay hilimooyin fara badan oo aan ka lahaa deegaankaas iyo gabadhii aan wada soconayba.
Waxaa culeys iyo cibaaro igu noqotay inaan u bandhigo danta xanuunka badan ee ila soo darastay oo aheed inaan u sheego in guriga la iga saarayo hadii aanan baxin karida, waayo waxaan hubay in dadaal iyo karti intii aay awoodey aaysan igala harin oo aay I garab qabatay maantana iima furna inaan u sheego dantaan halista ee ila soo daristey waxaana go,aansadey inaan baxo oo aan dib ugu laabto halkii iyo gobolkii aan ka soo haajirey ama aan deegaan ahaan kasoo jeedey, aniga oo ka codsadey dhalin yarada in aay iga bixyaan gaari raaca, ayadana waxa aan u sheegey inaan soo laaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aanan dhiman.
Waxan dib ugu laabtay halkii aay danti shalay iga wadey oo aan wali wax roob ahi ka da,in anigoo iska dhax galay qoyskeugii iyo dadkeeygii ila mid aheed aan wada saboolka aheyn,halkaana waxaan iska noolaan jirey maalin qad maalin wax hel, aduunyaduna waxa aay noqotay mid igu cadow ah,
waxaana daaqada ka baxay balantii aan soo qaadey ee ahaa inaan soo laaban doono, gabadhiina waxa aay iska dhaadhac yeeshey inaan qayaaney ama u sheegey been oo wax aay raacday jawaabtii ugu macquulsaneed ee qofka bani aadamka ahi iska dhaadhac yeeli karo laakin xaalku sidaa ma aheyn oo waxaan ahaa qof danbtu ku dabartay oo ciishey.
Waqtiga oo nacas iga dhigey iyo waayaha oo I badey inaan balantii ka baxa waxa aay iigu sii dareen inaan is weyno qofkii sidaa oo dhan ii garab qabtey ee had iyo jeer aanu ku wada nooleeyn rajada qura waxaanan noqdey qof dhan kasta ka liita oo aan waxba galin had iyo jeerna waxaan ka fakari jirey tallow nolo danbe maku wada kulmi doontaas si aad uga dhaadhiciso waxa kugu dhacay iyo sida aay wax waliba noqdeen.
Wax kasta waa aay dhamaadeen mudadii ayaa igu soo fogaatay gabadhiina waxa aay aamintey inaanan dib danbe usoo laaban doonin kana tashahay ayadoo, dhankeeda go,aan qaadatay masana guur yagleeshey nolol cusubna halkaa ka biloowdey, waxa aan akteedana ka noqdey waa danbiile qayaanoole iyo qof ka baxay balantii iyo wacadkii dhaxdeena ahaa waxa aayna qalin cas dul saartay buugeeni iyo waliba xariikeenii.
Kama xumi in aay guurasato oo wadada u furneed waaye laakin waxa aan ka xumahay ayaa ah inaanan waxba kala socon sida aay wax u fahantay oo aduunku meel igu xanibey ayaduna aysan sidaa wax ula socon.
Waxa aan ku fakaray maxaad sameeysaa oo kula gudboon wax kasta iyo fakar kasta oo aan keenana waxaa suura gal ka dhigi waayey waa dhaqaalo la,aan oo talaabo aan qaadi karey ma aaysan jirin irid waliba waa aay iga xirneed, wax waliba waa qadar Alle Swt laakin dadka waxaa ku xariira sheydaan si qaldan wax ugu fasiro.
Maalinkii danbe waa aan fakaray wadada qura aan ku kulmi karno ama aan dib ugu laaban karo halkii aay ku nooleedna waxa aay noqotay inaan noqdo kirish booy ka shaqeeya gaarida u goosha gobolkaasi si aan ugu yaraan nolol iyo geeri wax usoo kale hubsado, waxaana gaaray gurigii iyo goobtii aan isku baranay, waxa la ii sheegey in la guursadey oo aay tahay hooyo soomaaliyeed, waxaana u raabey fariin ah inaan doonayo in aan la kulmo si aan wax waliba ugu dhaadhacsiiyo, markii aan dib ugu soo laabtey safarkii labaad oo aan ka sugaayey jawaabtana waxaan la kulmey dhacdo xanuun badan iyo eheb ah inaan faraha ka qaado oo aanan dib danbe usoo raadin, ayadoo ii sooo fartay inaan ahay qof qayaanoole oo aanan ka bur burin gurigeeda.

Waxaan go,aansadey inaan faraha ka qaado oo aanan bur burin nolosheeda aduun waloow aan aniga mar kasta ahay dhibane waayo waxaa igu soo biyo shubatay dhamaan guul daradii iyo muragadii waxaana intaa ii sii dheer inaan wali gabadhii ugu jiro liiska danbiile iyo qayaanoole laakin danta ayaa sidaa wax ka dhigtey.

“kaba soo qabo inaan ahay shaqsiyaadka ugu guul darada badan caalamka gaar ahaan umada soomaaliyeed walaal waxii talo ah oo aad is leedahay waan kusoo af jari karaa colaadan iyo godobtaan aanan galabsan ee dusha iga saaran iisoo jeedi waxaan ahay walaal soomaaaliyeed oo maanta u baahan taladaada mahadsanid.
Hadaba aqristoow Qalinkii WaaSuge intaas ayaan ku soo koobayaa markaana waa taladiina iyo waxii aad ku caawin laheed walaalkaa soomaaliyeed ee kuu baahan maanta waxu waa aduunyoo ileen aayo malahane. !!

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada