dhaxalkii qaran jabkeenii iyo dhibaatooyinkii ka dhashay (Qiso naxdin leh oo muqdisho ka dhacday )

dhaxalkii qaran jabkeenii iyo dhibaatooyinkii ka dhashay (Qiso naxdin leh oo muqdisho ka dhacday )

daajis.com:-Qormadan ama qisadan waxa ay qeeb ka tahay qormooyin tixina ah oo aan kusoo uruurineyno dhacdooyinkii ugu xanuunka badanaa ee ka dhacay dalkeenii oo aan ka dhaxalnay qaran jabkeenii. . 

Allow dalka noo nabdeee Nabsi ha daaho ama hasoo deg deg waa kii uun mirihiisa aad gurato , haddii aad qalad ka gasho ruux aadana oo aad dhib u geysato xitaa haddii aysan qofna ku ogaan waxaa jiro alle xaq soore ah oo la socdo meel walbo oo talaabta dhigeyso iyo wax walbo oo aad sameyso , ciqaabtaadana aduun iyo aakhiro ayuu midii doono kugu tusaa .

Qisadaan aan maanta idiin soo gudbinaayo waa dhacdo dhab ah oo ka dhaacday magaalada muqdisho waxaana Daajis uga waramay walaal ka mid ah dadkii daganaa xaafada ay ka dhacday , aqriste waxaan kaaga cudur daaraneynaa in aan qisadan wax magac ah ku xisi doonin waxaan kale oo aan idinka rajeynayaa in aad ku cibra qaadataan isla markaana xasuusnaataan qaladaadka aad is leedahay laguma arko in uu jiro alle ku daalacanaayo .

Muqdisho waxay soo martay xili aan la iska wareysan qofkii lagu dilay cida dishay iyo sababta loo dilay intaba , waxay soo martay xili aad u xanuun badan oo qoyskii meydkooda helaa ayba nasiib leeyihiin maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in labo nin oo qaraabo ahaa isla markaana hal guri kuwada noolaa midkood lagu dilo meel aaney cid kale ogeyn oo ay labadooda oo keliya joogeen .

Gacan ku dhiiglihii isla markii uu dilka fuliyey ayuu waxa uu usoo orday dhanka gurigii ay daganaayeen waxaa uuna shaaciyey in loo sheegay in walaalkood hebel oo meyd ah halkaas yaalo ! oo yaa dilay waaye ? Waxaa loo saarshay ” koox aan heybtooda la garaneyn”. Cidna kama shakin xitaa tuhun yar ma uusan gelin qof reerka ka mid ah waayo waqtigaas dilka ayaa muqdisho waxa uu ka ahaa wax aan micno ku fadhin .

Sidii ayaa lagu aasay marxuumkii dhowr sano kadib ayaa alle waxa uu doonay in uu ninkaan danbigiisa banaanka keeno waxa uuna ku imtixaanay cudur aan nuuciisa la garan ninkii oo idil ayaa isla bararay cisbitaal walbo oo la geeyana waxba wuu ka garan waayey cudurka ninkan haayo reerkiisiina mar ay ku daaleen isbitaalada muqdisho ayey hadane ku bilaween quraan saar iyo in wadaado la isugu keeno .

Mudo markii quraan saarkii lagu waday wax isbedel ahna aanan lagu heyn ayaa markii danbe ruux ka mid ah reerkii alle afkiisa ka keene ” war hebelow waa maxay danbiga aad gashay soo lagama yaabo in waxaani ay ciqaab danbi aad gashay tahay ” gacan ku dhigiilihii oo nafta ku daba yartahay isla markaana oynaya ayaa waxa uu cod laciif ah ku yiri ” haa waxaan galay danbiyo badan waxaana ka mid ahaa inan dilay walaalkeenii hebel ahaa oo uu aniga gacanteydii sababsaday ” markii uu hadalkaas afka ka dhameeyeyna waxa uu u wareegay dhankii loo badnaa oo naftii ayaa ka haaday .

Hadaba walaalayaal qof walbo ha xasuusnaado danbiga uu galo in uu meel u yaal haddii aad indhaha dadka ka qirin karto awood ma u leedahay in aad ka qariso qaaligii ku uumay ? Dabcan waa maya walaal ku dadaal in aad ka fogaato wax walbo oo alle kaa xarimay gaar ahaan xaqa dadka kale .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada