Boqortooyada Saudi Arabia oo ugu deeqday Soomaaliya 220 ton oo timir ah

Boqortooyada Saudi Arabia oo ugu deeqday Soomaaliya 220 ton oo timir ah

daajis.com:-Deeqdan timirta ah oo lagu qiimeeyay lacag dhan US$553,000 taasoo boqortoyada Sacudi Carabiya u sii marsiineynaa Barnaamijka Cuntada Aduunka WFP.


Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay wadi dontaa kaalmeynta gargaarada bani'aadanimo gaar ahaan wadamada ay baahida ka jirtosidasina waxaa Xaqiijiyay Ghorm Said Malhan. Hay,ada WFP ayaa waxaa ay sheegtay in wadi doonto gargaarka bani'aadanimo ee sacuudiga ugu talo galay soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay ugu talogashay 220 tan oo ay ku baxeyso qarash gaaraya 553,000 oo dollar iyadoo guud ahaana qarashkaasi ay dowlada Sucuudiga ugu talo gashay dadka ku jira xeryaha barakacaayaasha ee magaalada Muqdisho.

WFP ayaa waxaa ay qorshahaani wadi doontaa ilaa Saddex sano oo ka bilaabanaysa bisha Janaayo waxaana lagu caawin doonaa ama loogu gargaari donaa ka badan 1.5 million oo raashin ah. Sidoo kale ayaa waxaa ay caawinadan daaweynta xoolaha waxyaabo kale oo lagama maarmaan ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada