5 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowlada oo lagu diley duleedka magaalada Jowhar

5 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowlada oo lagu diley duleedka magaalada Jowhar

daajis.com:-5 askari oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa lagu diley duleedka magaalada Jowhar kadib markii ay weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen xoogaga Alshabaab.

Askartan la dilay ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen meel qiyaastii kaga beegan magaalada Jowhar illaa 25km halkaas oo ah meel aysan cidna ka talin una dhexeysa deegaanada ay ciidamada dowlada gacanta ku hayaan. 

Lama oga in uu dagaal dhex maray ciidamada dowlada ee la dilay iyo xoogagii Alshabaab ee soo weeraray, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu dilay ciidamadan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray deegaanada magaalada Jowhar ka xiga dhinaca galbeed dhac ay u geysanayaan gaadiidka iyo dadka halkaa ku sugan dabley ku labisan ciidamada dowlada. 

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Sh/dhexe. 

Tiradan ciidamada ah ee la dilay ayaa waxa ay yihiin kuwii ugu badnaa ee hal mar laga dilo ciidamada dowlada tan iyo markii ay la wareegeen xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar 9kii bishii December 2012. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada