Manchester City Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Fernandinho.

Manchester City Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Fernandinho.

daajis.com:-Manchester City ayaa ku dhow inay soo xerogeliso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Shakhtar Donestk Fernandinho, iyadoo wararka ay sheegayaan in labada kooxood ay ku heshiisyeen adduun lacageed oo gaaraya 22 milyan ginni.


Xiddiga reer Brazil Fernandinho ayaa lagu sawiray galabta isagoo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda ka dhisan Premier League,waxaana heshiisla la filayaa in la gabagabeyn doono 24ka saacadood ee soo socda.
28 jirkaan kubad sameeyaha ah ayaa kooxda reer Ukraine kaga soo biiray Atletico Paranaense 2005tii, waxaana uu dhaliyay 31 gool 184 kulan uu saftay, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay inay hantaan UEFA Cup 2009kii islamarkaana ka muuqdaan Champions League.
Fernandinho ayaa u ciyaaray xulkiisa Brazil shan kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeysay u saftay 2011, waxaana uu muddo dheer liiska ugu jiray kooxda Manchester City.
Manchester City ayaa sidoo kale gabagabeyneysa saxiixa Jesus Navas kaasoo ka soo wareegaya Sevilla islamarkaana tijaabada caafimaadka u jooga Manchester.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada