Pele: Waxaan Aaminsanahay In Neymar Uu Ka Wanaagsan Yahay Lionel Messi.

Pele: Waxaan Aaminsanahay In Neymar Uu Ka Wanaagsan Yahay Lionel Messi.

daajis.com:-Xiddigii hore ee qaranka Brazil Pele ayaa xaqiijiyay in xiddiga da`da yar ee reer Brazil Neymar ee dhawaan u wareegay Barcelona in uu leeyahay awoodo uu ku noqon karo mid ka wanaagsan Messi.


Pele ayaa carabka ku dhajiyay in Neymar uusan u baahneyn waqti badan uu kula qabsado kubadda yurub taasi oo uu xusay in wax badan ka dawaneyn midda latin america.
” Neyrmar waa laacib aad u wanaagsan isla markaana labadii sano ee la soo dhaafay sii hormaray, marka aan is barbar dhigo isaga iyo Messi labadaba waa fiican yihiin, aniga Messi shaqsi ahaan iyo ka laacib ahaan waan jeclahay balse marka dhab ahaan is barbar dhigo isaga iyo Neymar , waxaan aaminsahay in Neymar uu ka wanaagsan yahay Messi uuna leeyahay awoodo ka sareeysa midda Messi amaba waan u maleynayaa”.
” Kuma faraxsaneyn in Neymar ka tago Brazil balse waxaan aaminsahay in watqigaan la joogo xilligi uu tijaabo cusub u gali lahaa yurub” ayuu raaciyay Pele.
Pele waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Neymar yahay laacibkan haatan ugu fiican dalka Brazil .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada