Ciidamada dowladda Siiriya iyo xoogaga Xisbuallah oo la wareegay magaalada Al Qusayr ee ku taal

Ciidamada dowladda Siiriya iyo xoogaga Xisbuallah oo la wareegay magaalada Al Qusayr ee ku taal

daajis.com:-Magaalada muhiimka ah oo u dhaxeysa wadada isku xirta Siiriya iyo dhulka saaran xeebta bada madatareeniyankan ayaa waxaa ka socday labadii todobaad ee la soo dhaafay dagaal xoog leh.


Xoogaga Mucaaradka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay difaac uga jiray magaalada oo ay horey u qabsadeen, balse wararka hada soo baxaya ayaa sheegay in ciidamada Siiriya iyo kooxda Xisbullah oo gacan siineysa ay la wareegeen bartamaha magaalada al Qusayr.

Telefishinka dowlada Siiriya ayaa shaaciyey in ay si rasmi ah ciidamada dowlada ula wareegeen magaalada, halka war kasoo baxay xoogaga mucaaradka lagu sheegay in ay halkaasi dib uga gurteen.

Xoogaga Xisbullah ayaa maalmihii u dambeeyay ka bar bar dagaalamayay Ciidamada dowladda Siiriya, si ay gacan ugu siiyaan in Mucaaradka uga saaraan dhulalka ay qabsadeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada