Christina Aguilera oo iska riday muuqaalkii lagu dhaleeceynaayey

Christina Aguilera oo iska riday muuqaalkii lagu dhaleeceynaayey

daajis.com:-Christina Aguilera ayaa dhawaan si fasiixda xafladii Billboard Music Awards la timid jir qurxan oo siman,kadibmarkii ay la dagaalantay miisaankii cuslaa. Fanaanada ayaa mudooyinkaan ku jirtay nidaaminta cunadeeda si ay isaga jarto culeyska saa’idka ku ah jirkeeda,maadaama dhawaanahaan lagu dhaleeceynayey in muuqaalkeeda u ekaaday qof daalay sida ay qortay Digitalspy.

Dad badan waxey siiyeen jawaabo lid ku ah miisaankeeda waxeyna taas u horseeday niyadjab ayey tiri fanaanada saaxiibteed.
Christina Aguilera ayaa go’aansatay iney miisaankeeda hoos u dhigto waxeyna raacday talaabooyin aad u muhiim ugu ah ,waxey joogteysay iney qaadato cunooyinka caafimaadka leh iyo tababro xoog leh iyo casharo Yoga ah,taas oo sababtay in muuqaalka quruxdeeda soo laabto.

Qof walbo oo ka tirsan barnaamijka The Voice U.S. ayaa la sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay,gaar ahaan madaxda showga .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada