Darsin Saraakiil iyo Dagaalyahaano Alqacida ka socda oo ka dagay Baraawe

Darsin Saraakiil iyo Dagaalyahaano Alqacida ka socda oo ka dagay Baraawe

daajis.com:-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Wardoonka Maraykanka ayaa waxa lagu sheegay in Somalia uu dhawaan gaaray Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-qacida, waxaana Qoraalkaasi lagu sheegay in Hoggaamiyaha uu ka soo safray Dalka Bakistaan.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Bishii hore ee lasoo dhaafay dalka Somalia ay galeen Saraakiil ka Tirsan Al-qacida kuwaasoo ay Maraykanka ku sheegeen in Ujeedkooda uu yahay la dagaalanka Dowladda Somalia iyo Ciiddamadda garabka siinaaya ee AMISOM.

Dhanka kale, Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay dabagal Baaxda weyn ku heyso Xarumaha ay ku dhuumaleysanayaan Saraakiisha iyo Hoggaamiyaha Alqacida, waxa ayna sheegtay in Ajaanibtaasi laga dajiyay Dekada Baraawe oo iminka gacanta ugu jirto Maleeshiyadda Alshabaab.

Ugu dambeyntii, waxaa Qoraalka lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay heshay Muuqaaladda Saraakiisha iyo Hoggaamiyaha dhawaana ay qaadi doonto Hawlgalo lagu maja xaabinaayo Kooxdaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada