Daawo Sawirka Sargaal katirsanaa Nabad Sugida oo goordhaw Muqdisho lagu dilay iyo Ninkii Dilay oo isna la qabtay

Daawo Sawirka Sargaal katirsanaa Nabad Sugida oo goordhaw Muqdisho lagu dilay iyo Ninkii Dilay oo isna la qabtay

daajis.com:-Daqiiqado ka hor ayaa ciidamada amaanka waxa ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigle khaarijiyay sarkaal nabad-sugidda Soomaaliya ka tirsan oo ku sugnaa gudaha degamada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir.

Ciidamada ayaa waxa ay ku guuleesteen qabashada gacan ku dhiiglaha inyar kadib markii uu dilka u geestay sarkaalka Nabad-sugidda ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Shiine.

Gacan ku dhiiglaha la qabtay ayaa waxa uu dilay Cumar Shiine xilli uu ku sugnaa Suuqa Ariga lagu iibiyo ee Ceel-gerweyne ee degmada Howl-wadaag isaga oo kadibna qoragii ka qaatay kana baxsaday goobtii, hasa yeeshee inyar kadib ciidamada amaanka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ku guuleeteen in ay hareereeyaan xaafadii uu ku baxsaday kadibna isaga oo nool ay soo qabtaan.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Howl-wadaag ayaa u xaqiijiyay daajis in gacan ku dhiiglaha loo gudbiyay Xarunta CID-da halkaasi oo baaritaan dheeraad ah lagula sameyn doono.

Qabashada gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku amaanay maamulka degmada iyo ciidamada amaanka sida ay ugu taganyihiin ladagaalanka kooxaha qas-wadayaasha ah.

Lama sheegin wali in ruuxa dilka geestay uu ka tirsanyahay kooxda Shabaab iyo in uu yahy ruux dilka u fulinayay dana kale , Sargaalkan la dilay ayaana kamid ahaa Ragii Al-Shabaab kasoo goostay kana mid noqday Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada