Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ban Ki-Moon

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ban Ki-Moon

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kula kulmay Yokohama Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon. 

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Nick Kay oo maalinta berry ah booqanaya Muqdisho si uu howshiisa cusub u bilaabo, arrimaha amniga, iyo sidii QM ay kaalin hoggaamineed uga qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya waxuuna sheegay in QM ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna uga mahadceliyey Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah. XG ee QM ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha QM ay u soo guuri doonaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isagana u mahadceliyey XG ee QM Ban Ki-Moon doorka weyn ee QM iyo sida Dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar sare ee QM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Madaxwweynaha ayaa sheegey in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka oo uu sheegey inay muhiim tahay in Dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag sal sharciyadeedna leh kaasoo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa ka codsaday QM inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa oo loo heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada