Daawa Sawirada:-Booliska Turkiga oo qabqabtay kun ruux oo ka mid ahaa dadkii banaanbaxayay

Daawa Sawirada:-Booliska Turkiga oo qabqabtay kun ruux oo ka mid ahaa dadkii banaanbaxayay

daajis.com:-Ugu yaraan kun ruux ayaa Booliska dalka Turkigu qabqabteen maalmihii la soo dhaafay iyadoo weli ay sii socdaan banaanbaxyadii dadka ay kaga horjeedeen dowlada Turkiga.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 939 qof, waxaana lagu qabtey in ka badan 90 goobood oo banaanbaxyadu ka dhacayeen.

Sida laga xiganayo Isbitaalada (Xarumaha Xanuunka) boqolaal qof ayaa ku dhaawacmey banaanbaxyada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in booliska ayaa dib uga baxay maaintii Sabtida fagaaraha shidaddu ka taagan tahay ee Taksim Square bartamaha magaalada Istanbul, wxaana fagaaraha buux dhaafshey dad caraysan oo ka qaybqaadanayey Mudaaharaadyada.

Dhanka kale Mudaaharaadyada ayaa ku fiday magaalooyin kale oo ka mid ah dalka Turkiga, waxaana ka mid ah caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Dadka bananbaxaya ayaa leh ujeedooyin kala duwan, waxaana dibad baxyadu ka bilameen kadib markii Xukuumadda Turkigu ay go’aansatey in Dhimsayaal ganacsi oo waaweyn laa sameeyo Taksim Square.

Dadka dibad baxaya ayaa doonayaa in Taksim Square sidiisa loo daayo uuna yahay Calaamad u taagan Mustapha ataturk oo ahaa asaasihii cilmaaniyadda Turkiga. Dadka qaar ayaa doonaya in xukuumaddu is casisho, halka kuwo kale ay uga danleeyihiin doorashooyinka soo socda in ay ku guuleystaan, Qaar kale oo ka mid ah Dibad-baxayaasha ayaa ka cabanaya sharci cusub oo lagu yaraynaayo cabitaanka Khamriga.

Rai'salwasaaraha Turkiga ayaa sheegay in qorshaha horimarineed ee lagu dhisaayo dhismayaasha ganacsigu uu socon doono, waxaana uu ugu baaqey kuwa mudaaharaadaya in ay rabshadaha jooiyaan, sidoo kale Boolisku ay joojiyaan arxandarada xad-dhaafka ah ee ay kula dhaqmayaan banaanbaxayaasha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada