Cali Khaliif Galeyr "Madaxweynaha iyo Al-Shabaab gacan saar ayay ka leeyihiin arrimaha Jubooyinka"

Cali Khaliif Galeyr "Madaxweynaha iyo Al-Shabaab gacan saar ayay ka leeyihiin arrimaha Jubooyinka"

daajis.com:-Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii TNG-da ee Carte lagu soo dhisay Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay xiriir ka leeyihiin arrimaha Jubooyinka, isagoo si gaar ah Madaxweynaha ugu eedeeyay.


Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in la haayo warar sugan oo ku aadan xiriiro dhex maray Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab, kuwaasoo qadka taleefan kaga wada hadlay arrimaha Jubooyinka.

"Madaxweynaha iyo Al-Shabaab gacan saar ayay ka yeesheen arrimaha Jubooyinka, waxaa la hayaa war sugan oo ah in taleefano lagu wada hadlo, oo rag mas'uuliyiin iyo Al-Shabaab ay ka wada hadleen"ayuu yiri Cali Khaliif.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ku lug leedahay arrimaha ka taagan Jubooyinka, gaar ahaan khilaafyada siyaasadeed ee ka taagan.

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan siyaasada dowladda, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka oo dhowaan ku shiray magaalada Nairobi, isla markaana dhaliil xoogan u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ka soo yeeray Cali Khaliif ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay Maamulkii lagu dhisay Kismaayo ee Jubaland, isla markaana ku tilmaamtay inuu ahaa maamul aan loo marin shuruucda dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada