EU: Waxaan ka Fiirsaneynaa Xiriirka Masar

EU: Waxaan ka Fiirsaneynaa Xiriirka Masar

daajis.com:-Midowga Yurub ayaa sheegay inuu si deg deg ah uga fiirsanayo xiriirka ay leeyihiin dalka Masar, halkaasoo ka dhex socdaan ciidamada Amaanka iyo taageerayaasha Madaxweynihii xukunna xoogga looga tuuray ee Masar , Maxamed Morsi.

 
Qoraal dheer oo ay ku mideysanyihiin dalalka ku jira Midowga Yurub oo soo baxay Maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in Baaqyada Caalamiga ah ee ku aadan dimuquraadiyadda iyo xuquuqda Aas aasiga ah inaan la iska indho iyo dhega tiri karin, isla markaana aan la daawan karin dhiig ka qubanaya shacab.
 
Madaxda Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso iyo Herman Van Rompuy ayaa sheegay inay tahay masuuliyad saaran ciidamada Masar iyo DKMG ah in gacan ka hadalka la soo afjaro.
 
Labadan hogaamiye ee reer Yurub ayaa walaac ka muujiyay saameynta rabshadaha ka socda Masar ay ku yeelan karaan guud ahaan xasiloonida gobolka.
 
Sabtidiina , waxaa uu bam ku qarxay dibadda Qunsuliyadda Masar ee Magaalada Bariga Libya ku taala ee Benghazi.
 
Kooxaha islaamiyiinta ah iyo dad kale oo mudaaharaadka kala qeyb qaadanaya ayaa dibad baxyo waaweyn ka dhigay meelo kale oo gobolka ah, iyagoo ka xun talaabada milatariga Masar.
 
Dhowr kun oo Carabta ku nool Isreal oo lulayay calanka Masar iyo sawirka Madaxweyne Mursi ayaa sabtidii socod ku soo maray jidadka magaalada Waqooyiga Isreal ku taala ee Nazareth.
 
Boqolaal qof ayaa sidoo kale isugu soo baxay, dibadda safaaradda Masar ee Tunis Jimcihii, iyagoo cambaareeyay talaabooyinka Milatariga Masar uu ku xakameynayo mudaaharaadyada shacabka.
 
Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul ee dalka  Turkey, si ey midnimo ugu muujiyaan dadka dibad baxyada ka wada Masar.
 
Sidoo kale, muslimiin badan oo dibad baxyo ka dhigay dalalka Indonesia iyo Malaysia, ayaa ku booriyay dowladda Masar, inay joojiso inay awood u adeegsato dadka mudaaharaadyada dhigaya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada