Natiijooyinka Kulamadii Maanta La Ciyaaray Horyaalka Premier League.

Natiijooyinka Kulamadii Maanta La Ciyaaray Horyaalka Premier League.

daajis.com:-Horyaalka Premier League ayaa maanta bilowday iyadoo la ciyaaray todoba kulan islamarkaana la iska dhaliyay 18 gool, islamarkaana kaliya hal kulan oo ku dhamaaday barbaro.

Cardiff City ayaa dhadhamisay guuldarro kulankeedii ugu horeeyay abid ee Premier League, ka dib markii guuldarro ay ka soo gaartay West Ham.
Kooxda reer Wales ayaa aragtay sida nolosha Premier League ay u adag tahay ka dib guuldarro 2-0 oo dusha loo saariyay, waxaana West Ham goolasha uga mahadcelineysaa Joe Cole iyo Kevin Nolan.
Aston Villa ayaa iyadana ka yaabsatay Arsenal kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka ka dib ay 3-1 ku dubteen 10 ciyaaryahan oo Arsenal ah kulan ka dhacay Emirates Stadium.
Giroud ayaa hogaanka u dhiibay Gunners ka hor inta uusan Benteke u barbareyn Aston Villa, waxaana hogaanka u sii dhiibay Benteke oo rigoore shabaqa ku hubsaday iyadoo Antonioa Luna uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay goolka seddexaad, waxaana Gunners ciyaarta oo 20 daqiiqo dhiman casaan ka qaatay Koscielny.
Isbuucii riyada ee Rickie Lambert ayaa weli sii socda isagoo ka caawiyay in Southampton ay ka talaabsato West Brom oo ay 1-0 kaga badiyeen.
Lambert oo markii ugu horeysay isbuucaan looga soo yeeray xulka qaranka England islamarkaana goolkiisii ugu horeysay England ugu dhaliyay Wembley Stadium kulankii Scotland ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Southampton ku badisay kaasoo ahaa gool rigoore ah.

Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabatay seddex dhibcood ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Stoke City oo marti u aheyd Anfield. Sturridge ayaa u dhaliyay goolka kaliya, iyadoo goolhayahooda uu guusha u badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta markii uu rigoore ka beeniyay Walters.
Tababare Roberto Martinez ayaa dhibicdiisii ugu horeysay ee tababare Everton ah qaatay ka dib barbaro 2-2 oo ay la galeen kooxda Norwich City. Steven Whittaker ayaa hogaanka u dhiibay Norwich ka hor inta aysan Everon labo gool dhalinin oo aysan hogaanka u dhiibin Ross Barkley iyo Seamus Coleman.
Ricky van Wolfswinkel oo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League u saftay Norwich ayaana u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 70aad ee ciyaarta.
Halka kooxda xagaagan isbedelka lagu sameeyay ee Sunderland ay si adag ku bilaabatay ka dib guuldarro ka soo gaartay Fulham.
Fulham ayaa ku badisay 1-0 ka dib gool uu qeybtii labaad u dhaliyay Pajtim Kasami.
Waxaana kulamadii maanta lagu furay horyaalka Ingariiska lagu soo xiray kooxda difaacaneysa horyaalka Man United oo 4-1 ugu awoodsheegatay kooxda Swansea City.
Min labo gool oo kala dhaliyeen Van Persie iyo Welbeck ayaa guusha u sahlay kooxda David Moyes, halka Swansea uu goolka kaliya u dhaliyay Wilfried Bony.
Kulamada La Ciyaaray Maanta:
Liverpool 1-0 Stoke
Arsenal 1-3 Aston Villa
Norwich 2-2 Everton
West Brom 0-1 Southampton
West Ham 2-0 Cardiff City
Swansea 1-4 Man United
Kulamada Berri La Ciyaarayo:
Crystal Palace v Tottenham
Chelsea v Hull City Tigers
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada