Madaxii Farsamada ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV oo saakay lagu dilay degmada Shibis

Madaxii Farsamada ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV oo saakay lagu dilay degmada Shibis

daajis.com:-Kooxo Hubeysan ayaa saakaya degmada Shibis, gaar ahaan nawaaxiga suuqa maanabooliyo ku dilay Madaxii Farsamada ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka SNTV Axmed Shariif Xuseen.


Axmed Shariif ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya, iyadoo rag hubeysan ay ku dileen nawaaxiga gurigiisa, xilli uu ku soo jeeday shaqada.
Wararka ayaa sheegaya in dhaawac ka soo gaaray rasaas lagaga dhiftay qeybaha sare ee jirkiisa ayuu ugu geeriyooday isbitaalka.

Axmed Shariif ayaa sidoo kale ahaa Engineerka guud ee Farsamada ee Radio Muqdisho iyo SNTV, waxaa uu horay uga soo shaqeeyaya Idaacado ay ka mid yihiin Horn Afrik iyo Somaliweyn, waxaa uu ahaa aabaha FM-yada Muqdisho oo uu idaacad walba oo hawada soo gasha Muqdisho oo uu rakibi jiray FM-yada ay leeyihiin Idaacadaha.

Ma ahan markii u horeysay ee shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta iyo bahda Radio Muqdisho, iyadoo afar bilood ka hor degmada Dharkeenley lagu dilay Wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ka mid ahaa Wariyeyaashii caanka ka ahaa Muqdisho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada