Gudigii loo xil saaray baarista eedeynta kufsiga oo maanta howlgalay (War saxaafadeed+Sawirro)

Gudigii loo xil saaray baarista eedeynta kufsiga oo maanta howlgalay (War saxaafadeed+Sawirro)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa magacaabay 15-kii bishan laba guddi oo heer wasiir iyo mid farsamo ah kuwaas oo soo baara eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed. 

Guddigan oo ay madax u tahay Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim Axmed ayna xubno ka yihiin Wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa saaka guda galay howshii baarista ee la xariirtay falkan, waxayna booqdeen xarun ay ku sugantahay gabadhan, waxaana si gaar ah xog wareysi ula yeeshay gabadha Drs. Maryam Khaasim oo guddiga horkaceysay. 

Shir jaraa’id oo ay warbaahinta ugu qabatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Drs. Maryam Khaasim kadib booqashada gabadha ayay ku sheegtay in guddigu saaka booqday gabadha dhibanaha ah ayna la kulmeen, waxayna xustay in ay weli sii wadi doonaan baaritaanadooda, warbixin buuxdana ay u soo bandhigi doonaan warbaahinta marka ay soo gabagabeeyaan. 

“Wax talaabo ah lama qaadi karo iyada oon la helin xog rasmi ah iyo cadeymo, sidaasi darteed, weli waxaan ku jirnaa uruurinta xogtaas, waxaana idiin xaqiijineynaa marka la soo gabagabeeyo xog uruurintan in cid kasta oo ku lug yeelata loo cuskam doono sharciga meesha ugu sareysa” ayay tiri Drs. Maryam Khaasim. 

Dhanka kale, Drs. Maryam Khaasim ayaa beenisay warbixinada sheegaya in 10-kii haween ah ee Soomaaliyeed 9 ka mid ah la faraxumeeyey, waxayna xustay in ay tahay ka badbadis iyo been abuur “Arrintan waa buun buunis iyo ka badbadis, ragii Soomaaliyeed ee sharafta iyo haybada lagu yaqiinay iyo ciidamadii qalabka siday ee wadanka u taagnaa in illaa heerkaas la gaarsiiyo been abuur intaas la eg uma dul qaadan doono. 

Guddigan, ayaa ugu dambeyntiina kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyaga oo uga warbixiyay howlaha guddiga iyo halka ay wax u marayaan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada