Daawo Sawirada waalidiin ka murugsan wiil ay dhaleen oo ay kooxa manaxayaal ah indhaha kala bexeen.

Daawo Sawirada waalidiin ka murugsan wiil ay dhaleen oo ay kooxa manaxayaal ah indhaha kala bexeen.

daajis.com:-Walidiin Shiinees ah ayaa waxa ay aad uga walaaceen indha la’aan si lama filaan ah kusoo wajahday wiil ay dhaleen oo lix sano jir ah kaas oo kooxa si sharci darra ah uga ganacsada xubnaha aadanaha ay ka afduubeen afaafka hore ee gurigooda kadibna ay ku leexiyeen luuq aan sidaa uga fogeyn halka ay ka qafaasheen.

Kooxaha Falkan u geestay Wiilkan yar ayaa u sheegay in uusan ooyin wax dhibaato ahna aysan ku sameyn doonin balse ugu dambeyn indhaha kala baxeen Wiilkaasi yar kooxaha Manaxayaasha.

Saacado yar uun kadib markii wiilka dhibaatadu gaartay ayaa waalidiinta waxa ay arkeen wiilkii oo wajigiisa dhiig dahaaray aadna u oynaya.

Arintaan ayaa waxa ay ka dhacday gobalka Shanxi ee bartaha dalka Shiinaha ee qaarada Asia .

Wiilka sida dhaqsaha ah ku indha beelay ayaa waxa uu yiri, “Waxa ay i dheheen ha’ooyin indhaha kaama bixineynee , ane waan iska aamusay”.

Ka ganacsiga indha aadanaha ee sharci darada ah ayaa waxa ay Shiinaha ka noqotay mid sara u kacday waayihiin danbe arintaas oo loo aaneynayo dadka Shiinaha ku nool ee u baahan dayactir looga sameeyo indhaha ay gaarayaan 300,000 oo ruux.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada