Addis Ababa oo Heshiis lagu Gaarey iyo Qodobadii ay ku heshiiyeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmeed Madoobe

Addis Ababa oo Heshiis lagu Gaarey iyo Qodobadii ay ku heshiiyeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmeed Madoobe

daajis.com:-Xukuumada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa galabta heshiis dhowr qodob ka kooban ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, kaasoo lagu xalinayo khilaafka ka taagnaa maamulka Jubooyinka oo labada dhinac u dhexeeyey ka dib wadahadalo todobaad ka badan socday.

Munaasabada saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, xubno ka socda beesha caalamka, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta IGAD.

Qodobada Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah:-

-In ciidamada Maamulkii Axmed Madoobe ee ku sugan Kismaayo la Qarameeyo.

-In maamulka KMG ah oo lagu magacaabo Jubba laga sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo kaasoo uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

-In maamulkan KMG ah uu jiro muddo laba sano ah, ka dibna la sameeyo maamul goboleed rasmi ah oo gobolladaas ay yeeshaan.

-In shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Muqdisho kaasoo la iskugu keenayo dhinacyada ay khuseyso arrimaha Jubooyinka.


-In Maamulka dekedda Kismaayo muddo lix bilood ah uu hayo maamulka KMG ah ee cusub.

-In lagu wareejiyo maamulka garoonka diyaaradaha Kismaayo dowladda Soomaaliya muddo 30-maalmood ah ka dib.

-In Sheekh Axmed Madoobe uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha saddexda gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo, lana dhiso guddi sida baarlamaan oo kale u shaqeynaya iyo qodobo kale.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax C/qaadir Sheekh Axmed Madoobe oo labada dhinac u saxiixay heshiiskan ayaa sheegay in shirka Muqdisho ka dib shir labaad oo daba socda lagu qaban doono magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ag ergada dowlada uga qeyb gashay wadahadalkaas ayaa sheegay Hirgelinta qodobbada heshiiskan ay dusha kala soconayso IGAD.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya muran siyaasadeed muddo bilooyin ah u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo bishii May ee sannadkan Kismaayo looga dhawaaqay kaasoo dowladu ay diiday iney aqoonsato.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada