Ardayda Reer Israel Oo Loo Sameeyay Boorsooyin Lagaga Gaashaanto Qaraxyada (Daawo Sawirada)

Ardayda Reer Israel Oo Loo Sameeyay Boorsooyin Lagaga Gaashaanto Qaraxyada (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Gabar ka mid ah dadka sameeya nashqadaha dharka, oo lagu magacaabo Hila Raam ahna (20-jir) ayaa ikhtiraacday boorsooyin kuwa buugaagta carruurtu ku qaataan oo kale ah, laakiin leh qaybo ardayga sita ka difaacaya firirka iyo waxyaabaha jidhkiisa dhibaatada ama dhaawaca soo gaarsiin kara.

Boorsadan oo qiimaheedu aad qaali u yahay marka loo eego haynta dadka caadiga ah ee reer Israel ayaa sida ay ku warantay, jariirada Daily Mail ee dalka Britain ka soo baxda, samays ahaan ka kooban lakabyo tiro badan oo la isa saaray, kuwaas oo loogu tala galay in qofka sita gashaan u noqoto, xubnaha jidhkiisa ugu mudan, sida beerka, kelyahay iyo laf dhabarta.

Haweenayda samaysay shandadan Hila ayaa sheegtay in boorsadan lagu sameeyay sagaal iyo toban qob ama lakab oo ah, lakabyada lagaga gaashaanto rasaasta iyo qaraxyada ee lagu magacaabo, (19-layer Kevlar fabric), kuwaas oo qiimo ahaan ka dhigay mid aad u qaali ah.

Sida jariirada Daily Mail ay u sheegtay haweenayda samaysay shandadahan lagaga gaashaamanayo qaraxyada iyo rasaasta ee loogu tala galay, ardayda dugsiyada Israel ayaa qiimaha halkii boorse ee ilme kastaa u qaadanayo dugsigu noqonaysaa afar boqol iyo todobaatan dollar oo lacagta Maraykanka ah.

Waalidiin badan ayaa shandadahan ku tilmaamay dhibaato hor leh oo ku soo korodhay dakhligii ay carruurtooda dugsiyada ugu talo galeen, hasa yeeshee shirkada soo saartay, ayaa ku doodaysa in wax tarkeedu wax kasta ka qaalisan yahay oo ay badbaadin u noqonayso ilmaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada