Obama: Waan ka Jawaabeynaa Falkii Syria

Obama: Waan ka Jawaabeynaa Falkii Syria

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa go'aan ku gaaray inay jiri doonto jawaab laga bixiyo falkii dawlada Syria lagu eedeeyay ee ahaa in ay isticmaashay hubka sunta ah ee kiimikada.
 
Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu haatan arrintaas kala shaqeeynayo kooxdiisa dhinaca Amniga Qaranka.
 
Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa sheegay in aan shaki  ku jirin in sunta gaaska ah loo isticmaalay duleeydka magaalada  Dimishiq 21kii  bishan August.
 
Madaxweynaha ayaa rumeeysan in fal aad u xun la sameeyay uuna mudan yahay in falkaasi jawaab laga bixiyo, isla-markaana uu qadan doono talabada ku haboon tasoo  lagala tashan doono hogamiyayaasha congreeska iyo dalalka ay saaxibada yihiin Mareykanka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada