Sawiro: Luis Suarez Oo U Ciyaaray Liverpool Goolna U Dhaliyay Kulan Saaxiibtinimo

Sawiro: Luis Suarez Oo U Ciyaaray Liverpool Goolna U Dhaliyay Kulan Saaxiibtinimo

daajis.com:-Luis Suarez ayaa u ciyaaray Liverpool islamarkaana gool u dhaliyay kulan barbaro 2-2 ku dhamaaday oo ay la ciyaareen Port Vale oo ahaa kulan saaxiibtinimo oo albaabada u xiran yahay.

Brendan Rodgers ayaa kulankaan oo ka dhacay xarunta tababarka Melwood goob joog ka ahaa iyadoo Adam Morgan uu dhaliyay goolka kale, iyadoo Reds ay labo jeer ka soo laabatay goolal looga hormaray.
Daafaca Martin Kelly ayaa sidoo kale ciyaaray isagoo ka soo kabsanaya dhaawac u diiday garoomada muddo 10 bilood ah, waxaana ciyaartoyda ay u badnaayeen juunyeerka kooxda.
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa u muuqda in dib loogu soo dhaweeyay kooxda ka dib markii uu kooxda koowaad ka maqnaa sababo la xiriira muran dhanka mustaqbalkiisa ah.
Suarez ayaa seddex kulan ay uga harsan tahay ganaaxiisii 10ka kulan ee uu ku qaatay qaniinyadii Ivanovic ee xilli ciyaareedkii hore.
Waxa uu seegi doonaa kulamada Premier League ee Manchester United, Swansea City iyo Southampton, laakiin waxa uu ciyaari doonaa kulanka wareega 3aad ee League Cup.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada