Daawo Wariye Turki ah oo Dibi Indhaha ka Xiran Telefishanka Keenay Xili uu Baahinayay Dood ku Saabsan Dalka Masar

Daawo Wariye Turki ah oo Dibi Indhaha ka Xiran Telefishanka Keenay Xili uu Baahinayay Dood ku Saabsan Dalka Masar

daajis.com:-Dareenka daawadayaal tiro badan oo daawanayay dood uu telefishanka dalka Turkigu kaga hadlayay, aamusnaanta beesha caalamku indhaha ka qarsanayso dhibaatada ka taagan dalka Masar, ayaa waxa yaab ku noqday dibi indhaha ka xiran oo ay ka dhex arkayeen Istuudyowga dhexdiisa.

Inkasta oo aanu telefishanka iyo wariyaha doodan diyaariyay midna ka hadal dibigaas haddana waxa ay dad badani ku sifeeyeen in uu beesha caalamka kala mid dhigayo dibigaas indhaha ka xiran ee aan waxba kala socon xitaa meesha uu joogo.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa laga dareemayay jawaabo iyo dareeno ay ka bixinayeen xalaada murugsan ee dalka Masar, waxaanay inta badan xifaaltanku bilaabmay, tan iyo wixii ka danbeeyay taageeradii xukuumada Ra’iisal Wasaare Ordogan U Fidisay Ururkii Ikhwaanu Al Muslimiin ee talada dalka Masar Laga Tuuray iyo weerar uu ku qaaday sheekha Culimada Azhar.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada