Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri Muqdisho ka furmayo shirweyne looga hadlayo siyaasada dalka

Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri Muqdisho ka furmayo shirweyne looga hadlayo siyaasada dalka

daajis.com:-Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri magaalada Muqdisho ka furmayo shirweyne qaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shirweynaha qaran ee berri furmayo uu ujeedkiisa yahay sidii mustaqbalka siyaasadeed ee dalka looga hadli lahaa, arrimaha Federaalismka, Dastuurka iyo arrimo kale.

Mr Guuleed ayaa sheegay in shirka ujeedkiisa yahay sidii fikrado iyo aragtiyo la isku weydaarsan lahaa, isla markaana la soo bandhigi lahaa aragti mideysan oo ku aadan arrimaha siyaasada dalka.

Shirkan ayaa soconaya muddo afar maalmood, iyadoo Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha gudaha ay doorka ugu weyn ka qaadan doonaan arrimaha shirka iyo ajandayaasha looga hadlayo.

Shirweynahan ayaa lagu casuumaa doonaa, qeybaha bulshada, siyaasiyiin iyo aqoonyahano, inkastoo aan la ogeyn in lagu casuumi dooni siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda ee fadhigooda yahay magaalada Nairobi.

Waxaa uu shirkan ku soo beegmayaa, iyadoo 10-ka bisha September ay ku beegan tahay sanad kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo wax badan la iska weydiinayo waxqabadka dowladda ee mudada halka sano.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada