Hey’adda INTERSOS Jowhar oo laga codsaday inay buuxiso booskii ay baneysay MSF (Sawirro)

Hey’adda INTERSOS Jowhar oo laga codsaday inay buuxiso booskii ay baneysay MSF (Sawirro)

daajis.com:-Odayaasha dhaqanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka codsaday Hey’adda INTERSO inay buuxiso howlihii ay heysay Hey’adda MSF oo dhowaan shaacisay inay joojisay adeegyadii sama falka ay ka heysay Soomaaliya.

Kulan ka dhacay Xarunta INTERSOS ayay Odayaasha dhaqanka waxay ku weydiisteen Hey’adda INTERSOS inay qabato howlihii Caafimaad ay MSF horay uga waday magaalada Jowhar, gaar ahaan Isbitaalka ay gacanta ku heysay.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la buuxiyo adeegii caafimaad ee Isbitaalkii ay gacanta ku heysay MSF, kaasoo umada u haayo adeegyo badan oo caafimaad, waxaana ka faa’ideysan jiray dadka ku dhaqan magaalada Jowhar iyo deegaanada gobolka.

Nabadoonadaanioodhamaanwada ah kuwa can ka ah MagaaladaJowharayaawaxaa ay madaxfdaHey,ada INTERSOS kacodsadeen in ay silabalabaandadaalkoodamadaama ay baahifarabadan ay jirtooo ah dhinacaDhalmadaHaweenka.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda INTERSOS Jowhar ayaa sheegay mudada ay xiran tahay MSF Spain ay culeys la Kulmeen isagoo xusay inay aheyd mid degdeg ah oo lama filaan ku dhacday balse Cisbitaalka ay ku Umuliyeen in kabadan 80 Haween ah oo labo ka mid ah Qaliin lagu sameeyay.

Si kasto ha ahaatee OdayaashaDhaqankaoo ah kuwaaso ka soo kala jeedo Beelaha kala duwan ee Gobolka shabelaha dhexe ayaa waxay u mahad celiyeen Maamulka Cusbitaalka Jowhar iyo Dadaalka ay u hayaan bulshada.

Madaxa Guud ee Hey,ada INTERSOS G/Sh/dhexeX asan Mahad Cabdi ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaalka ay bulshada u hayaan xoogana saari doonaan inay sii wadaan adeegyada caafimaad ee ay helaan haweenka Uurka leh.

Xasan Mahad Cabdi ayaa tibaaxay in ilaa 3 kalkaaliso sare ay iminka hayaan shaqo weyn iyagoo u kaltama Adeega Cusbitaalka Jowhar, isagoo u mahadnaqay Gabdhaha iminka Umuliya haweenka Uurka leh.

Cusbitaal Goboleedka INTERSOS Jowhar ayaa waxaa uu dhowaan suura galiyay in la keeno AMBALAS lagu soo qaado dadka dhibaateysan ee ku nool nawaaxiga iyo hareeraha Degmada Jowhar.

Cusbitaalka ayaa ah mid qadiimi ah oo kashaqeynaya Jowhar kudhowaad 20 sano soona maray herar kala duwan oo shaqaalaha mararka qaar ay shaqeyn jireen iyagoo wax kunturaad ah heysanin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada