Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab oo xalay la dilay iyo Faah faahin laga helayo cida Dilkiisa ka dambeysay

Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab oo xalay la dilay iyo Faah faahin laga helayo cida Dilkiisa ka dambeysay

daajis.com:-Wararka laga helayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay Degmadaasi lagu dilay Sargaal sare oo katirsanaa Dagaalamaasha Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmada Diinsoor.

Sargaalkan oo ahaa Madaxii Dacwada Degmada Diinsoor ee Xarakada Al-Shabaab Magaciisana lagu soo koobay Sheekh Xuseen ayaa waxaa toogtay kooxo kale oo la tilmaamay in ay katirsanyihiin Al-Shabaab Bistooladana ku hubeesnaa .

Xiisad ka dhalatay Dilka Sargaalkan katirsanaa Al-Shabaab ayaa xalay laga dareemay Degmada Diinsoor iyadoona ilaa wali aysan Al-Shabaab ka hadlin dilka Masuulkan katirsanaa iyo waliba cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilkiisa.

Lama hayo wali Sababta ka dambeysa Dilka Sargaalkan Al-Shabaab dhaxdooda iska dileen waxaasa dadka falan qeeya Siyaasad Al-Shabaab sheegayaan in ay arintaan daba socoto is ugaarsiga ay isku hayaan Al-Shabaab dhaxdooda.

Xigasho:allbanaadir.com_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada