Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Man United, Xilli Moyes Uu Dhadhamiyay Guuldaradiisii Ugu Horeysay.

Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Man United, Xilli Moyes Uu Dhadhamiyay Guuldaradiisii Ugu Horeysay.

daajis.com:-Liverpool ayaa guuldaradii ugu horeysay ee ciyaar rasmi ah u saarisay tababare David Moyes ka dib markii ay 1-0 kaga talaabsadeen Manchester United, iyagoo uga mahadcelinaya xiddiga la qaban la’ yahay ee Daniel Sturridge.

Tababare Brendan Rodgers ayaa ciyaarta ku soo galay line-up la mid ah kii ay kaga badiyeen Aston Villa marka laga reebo Skrtel oo bedelay Kolo Toure oo dhaawac ahaa, halka tababare Moyes uu ku soo bilaabay Ryan Giggs iyo Ashley Young iyadoo Rooney uu dhaawac madaxa ah ku seegay kulankaan.
Liverpool ayay ku qaadatay kaliya inay afar daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta, markii kooner uu soo tuuray uu madaxa ku soo taabtay Daniel Agger islamarkaana uu Daniel Sturridge uu madax ku sii dhameystiray, waxaana uu ahaa goolkisii 3aad ee Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Sturridge ayaana shabaqa ka soo taabtay United isla maalin uu u dabaaldagayay dhalashadiisa 24aad, isagoo shabaqa cusjiyay goolkiisii 9aad ee sideedii kulan ee ugu danbeysay Premier League.

Man United oo qeybtii hore cadaadis badan uu saarnaa ayaana ay so martay labo fursadood oo fiican iyadoo Van Persie uu kubada laba lugaaleey ah dusha sarre ee goolka mariyay halka Glen Johnson uu kubad halis aheyd ka beeniyay Welbeck.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.
Man United ayaana si carcar leh ku bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo kubad halis aheyd oo uu tuuray Young uu si fiican u block-gareeyay Johnson.
Waxaana ay qaadayeen weeraro isdaba joog ah inkastoo ay iska caabin kala kulmeen daafaca Liverpool oo u ogolaan waayay inay shabaqa soo taabtaan.
Daqiiqadii 76aad ee ciyaarta ayaa goolhaye Mignolet uu kubad gantaal aheyd oo ka timid Nani uu badbaadiyay, iyadoo Red Devils ay sii waday cadaadiska ay saareysay Liverpool iyagoo baadigoob ugu jiray goolka barbaraha.
Labada kooxood ayaana waxaa soo gaaray dhaawacyo iyadoo Phil Jones iyo Glen Johnson ay dhaawacyo ku kala baxeen qeybtii hore ee ciyaarta iyo qeybtii labaad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 87aad ayaana United ay soo martay fursad fiican markii Javier Hernandez uu kubad u dhex bixiyay RVP oo goolka u dhawaa uusna banaanka mariyay, waxaana ay aheyd fursad qaali ah oo United soo martay.
Waxaana ay Liverpool si aad ah u difaacatay goolkeeda, iyadoo fursad qaali ah uu De Gea ka badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta Raheem Sterling, waxaana ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Liverpool.
Liverpool ayaana markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1994-95 guul gaartay seddexda kulan ee ugu horeysay horyaalka.
Waxaana laga joogaa 101 sanno markii ugu danbeysay ee Liverpool ay 1-0, 1-0, 1-0, ku badiso seddexda kulan ee ugu horeysay horyaalka Ingariiska, iyadoo weli aan wax gool ah laga dhalinin horyaalka goolhaye Mignolet.
Reds ayaana haatan hogaanka Premier League keli ku ah iyagoo ku haya sagaal dhibcood ka dib markii ay wada badiyeen kulamadii ay ilaa iyo haatan ay ciyaareen.
Manchester United ayaana afar dhibcood ka heysata seddexdii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan Premier League, iyadoo David Moyes ay soo gaartay guuldaradiisii ugu horeysay ee tartan rasmi ah intii uu macalin u noqday United.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada