Daawo Sawirada Nin 12 Sanno Laabta ku Xidhnaa Boodh uu ku Codsanayo Gabadh Lacag Leh oo uu Guursado

Daawo Sawirada Nin 12 Sanno Laabta ku Xidhnaa Boodh uu ku Codsanayo Gabadh Lacag Leh oo uu Guursado

daajis.com:-Waqtigan casriga ah dadka ku nool waddamada reer galbeedku waxay lammaanahooda ka raadiyaan baraha laga wada xidhiidho ee internetka, balse Mr. Robert Darling oo ku nool magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa muddo 12 sannadood ah laabta ku xidhnaa boodh uu ku raadinayo haweenay lacag leh oo uu guursado, kaasoo jidadka magaaladaas la istaaga.


Ninkan oo 58 jir ah, wax shaqo ahna aan haysan, ayaa sheegay inuu doonayo gabadh lacag leh oo daryeesha noloshiisa, maadaama oo aannu wax hanta ah lahayn.


Mr. Robert waxa uu toddobaad kasta laba jeer u safraa waqti laba saacadood ah magaalada Manhattan si uu uga raadiyo gabadh hanti badan haysata oo uu guursado.


Boodhka uu laabta ku sito ee dalabkiisu ku qoran yahay, waxa kaloo ku daabacan magaciisa, lambarka telefoonkiisa iyo Email lagala xidhiidhi karo, isagoo far waaweyn ku xardhay erayada, ?Saaxiibbayaal waan idin salaamay. Waxaan doonayaa gabadh hanti badan iyo lacag haysata oo noqota xaaskayga, magacayguna waa Robert Darling. Weligay maan guursan oo doob ayaan ahay, carruurna maan dhalin.?

Waxa kaloo Mr. Darling uu sheegay inaannu weligii marna helin gabadha uu raadinayo ee uu sannadaha badan dariiqyada u taagnaa, waxaannu xusay in dadku u arkaan nin iska ciyaaraya, balse isaga ka dhab tahay arrintani.


?Waxaan tegi lahaa meelaha macdarrada amma dadka lacagta leh isugu yimaaddaan, laakiin lacagtii aan wax iskaga bixin lahaa ma haysto, sidaa darteed waxaan u baahabnahay gabadh lacag leh oo i dhaqaalaysa. Weligay gabadh maan mehersan, xidhiidh jacaylna lamaan samayn, naagna dalabkayga may aqbalin,? ayuu yidhi Mr. Robert Darling.

Sidoo kale, ninkani waxa haweenayda uu guurkeeda suuqyada ka baafinayo waxa kaloo uu ka raadiyey mareegaha internetka ee dadku ku wada xidhiidhaan, nasiib-darro se lama uu kulmin gabadh lacag leh, inta bandanna waxa soo garaaca telefoonno dumar kala duwan, kuwaasoo aannu xidhiidhkoodu dhab ka ahayn, balse ka maadsada.

?Dumarku way i soo garacaan, marka aan ballan u qabtana waxaan ogaadaa in ay doonayaan inay ii dabaan saaxiibbadahood oo raadinaya kaadh ay dalka Maraykanka ku joogaan,? ayuu hadalkiisa sii daba dhigay ninkan cajiibka ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada