Deschamps: Ribery Waa Uu U Qalmaa Abaalmarinta Ballon d’Or.

Deschamps: Ribery Waa Uu U Qalmaa Abaalmarinta Ballon d’Or.

daajis.com:-Tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa aaminsan in Franck Ribery inuu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan.

30 jirkaan ayaa qeyb libaax leh ka qaatay in Bayern Munich ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysato Bundesliga, German Cup iyo Champions League, waxaana tababarihiisa xulka qaranka uu dareensan yahay in guulahaas aan la iska indhotiri karin.
“Waxaan qabaa in Ribery uu u qalmo Ballon d’Or marka loo fiiriyo qaab ciyaareedkiisii, xilli ciyaareedkiisa iyo koobabka uu ku guuleystay” ayuu ciyaaryahankii hore ee Juventus u sheegay RMC.
“Waa ciyaaryahanka u sheegan kara Ballon d’Or si la mid ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
“Franck seddex koob ayuu la qaaday Bayern Munich. Dad aad u tiro yar ayaa koobabkaas hal xilli ciyaareed ku qaada.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada