Qaraxyo qasaare kala duwan dhaliyay oo siyaabo kala duwan maanta uga dhacay Kismaayo iyo Baladweyn

Qaraxyo qasaare kala duwan dhaliyay oo siyaabo kala duwan maanta uga dhacay Kismaayo iyo Baladweyn

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay Qarax miino oo lala eegtay ciidamo katirsan kooxda Raaskanbooni ee gacanta ku heysa Kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in Ciidamada lala eegtay xili ay marayeen inta u dhaxeysa Isbitaalka Kismaayo iyo saldhiga Booliiska waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamadaasi ka dhashay Qasaarooyin kala duwan.

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi halka kuwa kalana uu dhaawacyo kasoo gaareen , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan Maamulka Kismaayo oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Dhinaca kale Magaalada Baladweyn ayaa maanta waxaa isna ka dhacay Qarax miino oo lala eegtay Ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa Itoobiya xili ay marayeen xaafada Xaawo Taako .

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay durba baaritaano ka sameeyay ciidamada Qaraxa lala eegtay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Masuuliyiinta Maamula Magaalooyinka Kismaayo iyo Baladweyn oo ku aadan Qaraxyadan Miino oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalooyinkaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada