Rihanna oo diyaar u ah iney Chris Brown ku naqato laakiin Shardi ku xirtay.

Rihanna oo diyaar u ah iney Chris Brown ku naqato laakiin Shardi ku xirtay.

daajis.com:-War ku dhow fanaanada Rihanna ayaa lagu sheegay in fanaanadu diyaar u tahay xiligaan iney ku laabato saaxibkeed Chris Brown, laakiin waa hadii uu dhaqamada qaarka xun xun iska dhaafo ayaa lagu sheegay warbixintaan.

Xiriirka Rihanna iyo Chris waqti kasto ayuu soo laaban karaa laakiin waxay ku xirtay shardi ah inuu ka tanaasulo dhaqamada qaar, warkaas waxaa laga soo xigtay ilo ku dhow Rihanna.

"Rihanna diyaar ayay u tahay iney ku noqoto Chris Brown, maraxalad cusubna ay u furaan xairiirkooda jaceyl, Rihanna wey jeceshahay Chris laakiin marabto in mar kale dhib kasoo gaaro ayaa lagu yiri warbixintaan, waxayna hada sugeysa is bedel cusub oo ku yimaad Chris Brow wattiga ugu dhow. 

Waxaa xusid mudan in Rihanna xiligaan ku sugantahay dalka asal ahaan ay kasoo jeedo ee Barbados, iyadoo halkaas ku qaadaneysa fasax gaaban, halka Chris Brown uu joogo Mareykanka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada