Snowden oo Mar Kale Sir Culus Dusiyay

Snowden oo Mar Kale Sir Culus Dusiyay

daajis.com:-Qandaraas Qaatihii horey ula soo shaqeeyay Sirdoonka Mareykanka Edward Snowden, oo haatan ku suggan Ruushka Mareykankuna ay doon doonayaan,  ayaa dusiyay dukuminti kale oo sir oo culus, kaasoo markii ugu horeysay shaaca ka qaadaya sida dowladda Mareykanka ay ugu bixiso tobanaan Bilyan oo dollar barnaamijyada daba galka iyo basaasidda.


Wargeyska The Washington Post ayaa Khamiistii shalay shaac ka qaaday in lacag ka badan 52 bilyan oo dollar oo misaaniyad suuq madow ah loo qoondeeyay mashaariicda Basaasidda miisaaniyad sanadeedkii 2013ka.

Inkastoo dowladda Mareykanka ay sheegto si guud lacagta ay ku bixiso sir doonka, ayaa hadana dekumintigan oo ka koobma 178 bog, waxa uu kala dhig dhigayaa sida hay’adaha sir doonka ee Mareykanka lacagaha ay ku kala helaan, iyo waxa ay ku sameeyaan.

Sida uu war qoray wargeyska Washington Post, hay’adda CIA ayaa hesha lacagta ugu badan ee lagu bixiyo hay’adaha sir doonka Mareykanka, iyadoo miisaaniyad ahaan loo qoondeeyay 14, 7 bilyan sanadkan 2013ka, taasoo boqolkiba  konton ka badan lacagta ku baxda haydda Amaanka Qaranka, oo uu Snowden u shaqeyn jiray.

Xiggasho: Voasomali.com
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada