Isku Aadka Champions League Oo La Soo Saaray iyo Kooxo Waa weyn oo qoorta la isku galiyay + Sawiro

Isku Aadka Champions League Oo La Soo Saaray iyo Kooxo Waa weyn oo qoorta la isku galiyay + Sawiro

daajis.com:-Isku aadka wareega group-yada Champions League ayaa lagu qabtay caawa Monaco iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh oo la sugi la’ yahay.

Kooxaha Barcelona iyo Milan ayaa mar kale isku group noqday iyadoo isku baheystay group B waxaana kula wehliya kooxaha kale ee magaca ku leh Yurub Ajax iyo Celtic.

Juventus iyo Real Madrid ayaa iyagana isqaabili doona iyagoo kuwada jira group-ka B oo ay kula wehliyaan kooxaha Galatasaray iyo Fc Copenhagen.

Arsenal iyo Manchester ayaa kala wajihi doona kooxihi finalka ka gaaray Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal waxa ay ku jirtaa group F oo ay kula wehliyaan kooxaha Borussia Dortmund, Marseille iyo Napoli.

Manchester City ayaa iyagana waxa ay mar kale wareega group-yada isku wajahayaan Bayern Munich oo ay kuwada jiraan group D waxaana kula wehliya Viktoria Plzen iyo CSKA Moscow.

Isku aadka ayaase naxariis u lahaa kooxaha Ingariiska ee Manchester United iyo Chelsea.

Manchester United waxa ay group A kula jirtaa kooxaha Shakhtar Donestk, Bayer Leverkusen iyo Real Sociedad.

Halka Chelsea ay Group E kula jirta kooxaha Schalke, Basel iyo Steaue Buchrest.

Isku aadka oo dhameystiran waa sida tan:

Group A: Man United; Shakhtar Donestk; Bayer Leverkusen; Real Sociedad

Group B: Real Madrid; Juventus; Galatasaray; FC Copenhagen

Group C: Benfica; PSG; Olympiakos; Anderlecht

Group D: Bayern Munich; CSKA Moskva; Manchester City; Victoria Plzen

Group E: Chelsea; Schalke; FC Basel; Steaue Buchrest

Group F: Arsenal, Marsielle; Borussia Dortmund; Napoli

Group G: Porto; Atletico Madrid; Fc Zenit; Austria Wein

Group H: Barcelona, AC Milan; Ajax; Celtic
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada