Daawo sawirada Diyaaradii ugu horeesay oo Nuuceeda yahay Boeing 747 oo Maanta kasoo dagtay Garoonka Aadan Cadde

Daawo sawirada Diyaaradii ugu horeesay oo Nuuceeda yahay Boeing 747 oo Maanta kasoo dagtay Garoonka Aadan Cadde

daajis.com:-Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho mudo 20-sano kadib soo caga dhigatay Diyaarad Xamuul ah oo nuuceeda yahay Boeing 747 oo u kireesneed Shirkad Turkiga laga leeyahay oo Dhawaaan Dowlada Soomaaliya ku wareejisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Diyaaradan oo aheed mid aad u weyn ayaa siday qalab kala duwan ay leedahay Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee lagu wareejiyay maamulka Garoonka Diyaaradaha iyadoona tanka ay waday Diyaaradan maanta lagu qiyaasay 70 mitirig tan oo u badan qalabkii ay ku howl gali laheed shirkadan Turkiga.

Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ayaa mudooyinkii dambe ku tilaabsanayay hor maro lixaad leh iyadoona dib u habeyn lagu sameeyay Laamiga ay diyaardaha kusoo dagaan iyo halka ay la duulaan.

Shirkada Turkiga ee dhawaan lagu wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho ayaa la filayaa in hor maro baaxad weyn ay kusameeso garoonka iyadoona horey u balan qaaday in garoonka Aadan Cadde ay u dhiseeso sida Garoomada Caalamiga oo kale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada