Mario Balotelli: Inaad Ila Barbardhigtaan Ibrahimovic Taas Isaga Ayay Amaan Weyn U Tahay.

Mario Balotelli: Inaad Ila Barbardhigtaan Ibrahimovic Taas Isaga Ayay Amaan Weyn U Tahay.

daajis.com:-Weeraryahanka AC Milan Mario Balotelli ayaa sheegtay in isbarbardhiga isaga iyo Zlatan Ibrahimovic inay amaan u tahay xiddiga PSG.

Ciyaaryahanka reer Italy ayaa saameyn weyn ku yeeshay AC Milan tan iyo markii uu yimid San Siro bishii Janaayo, isagoo kooxda ka caawiyay inuu u buuxiyo booskii uu baneeyay xiddiga reer Sweden Ibra.
Ciyaaryahankii hore ee Inter ayaa aaminsan in isaga iyo 31 jirkaan inay yihiin labo ciyaaryahan oo aad u kala duwan laakiin waxa uu ku kaftamay inuu isaga yahay ciyaaryahanka fiican.
“Waxaan nahay labo qof oo kala duwan, laakiin inaad aniga ila barbardhigtaan Zlatan isaga ayay amaan u tahay” ayuu Balotelli u sheegay Sky Italia ka dib markii kooxdiisa ay 3-0 xalay kaga badisay PSV.
Milan ayaa horyaalka Serie A ku soo laabaneysa iyadoo axada u safri doonta Caglairi ka dib markii kulankii furitaanka ay guuldarro ka soo gaartay Hellas Verona.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada