War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil Cadaan iyo Soomaali isugu jira oo Shabaab katirsan

War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Saraakiil Cadaan iyo Soomaali isugu jira oo Shabaab katirsan

daajis.com:-Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gaashaan ayaa xalay Saqdii dhaxe ilaa saakay waxa ay Howl galo qorsheesan ay kasameeyeen gudaha Suuqa Weyn ee Bakaarah oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen Dilal kala duwan.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheesan ayey Ciidanku waxa ay ku galeen guryo iyo Hotelo si gaar ah loogu soo farmuuqay waxa ayna halkaasi kala baxeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo in AL-Shabaab katirsan yihiin ama ugu yaraan uu xariir kala dhaxeeyo.

Ciidamada Gaashaan ayaa la tilmaamay in dadka ay qabteen ay ku jiraan Saraakiil katirsan AL-Shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib inkasto magacyadooda iyo Muuqaalkoodaba aan wali warbaahinta loo soo bandhigin walina uu yahay Howlgalka mid socda.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Maxamed Aadan Koofi oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay dad kabadan 20-meeyo oo lagu tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin kuna lug lahaayeen Falalka amaan daro ee Magaalada kajira gaar ahaan Suuqa Bakaarhaa.

Warbaahinta Dowlada ayaa sakaay ku warantay in Dadka la tuhmayo ee lagu soo qabtay Howlgalka Suuqa Bakaaraha ay ku jiraan Rag ajaaniib ah oon la cadeyn tiradooda iyo halka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay Dilal qorsheesan ka geesanayeen Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyagoona si gaar ah bartilmaameed uga dhiganayya askarta katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada