War Deg Deg Ah Iska Hor imaad Dhimasho dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Xaafad kamid ah Magaalada Muqdisho

War Deg Deg Ah Iska Hor imaad Dhimasho dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Xaafad kamid ah Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa goordhaw iska hor imaad dhaliyay Qasaaro dhimasho uu ka dhacay Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile, iyadoona faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxayaan cida iska hor imaadkaasi uu u dhaxeeyay. 


Wararka aan ka heleyno Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in iska hor imaadka uu u dhaxeeyay Ciidamada amaanka ee Degmada Dayniile iyo ciidamo kale oo burcad ahaa kuna labisnaa dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya. 

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Ceelka Cali Booy kadib markii dadka deegaanka ay Ciidanka ku wargaliyeen in kooxo Burcad hubeesan oo dareeska ciidanka Dowlada kulabisan ay dhac kawadaan xaafadaasi , waxana halkaasi deg deg ku gaaray ciidamada amaanka ee Maamulka Degmada Daniile.

Labada dhinac ayaana waxaa dhax maray iska hor imaad daqiiqado kooban socday waxaan halkaasi ku geeriyooday mid kamid ah ragii Burcada ahaa ee xaafada ku jiray iyadoona lasoo sheegayo in ilaa xiligan meydkiisa uu yaalo halkii uu ku geeriyooday. 

Dadka ku dhaqan Xaafada Raadeelka ayaa mudooyinkii dambe ka cabanayay ciidamo dareeska milatariga wata oo dhac ku hayay xaafadaasi kuwaa oo xiliyada habeenkii xaafada inta soo galaan dhac saf mar ah u geesan jiray goobaha ganacsi ee ku yaala xaafadaasi sidoo kale waxa ay wataan ka qaadan jiray dadka socotada ah. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada