Goobo ganacsi ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed Oo La Boobay Iyo Kuwa Kale Oo iyana Dab Lagu Qabadsiiyay Dalka …

Goobo ganacsi ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed Oo La Boobay Iyo Kuwa Kale Oo iyana Dab Lagu Qabadsiiyay Dalka …

daajis.com:-In kabadan 23 dukaan oo ay ku leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalay Tuulada Kokstad ee gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa la boobay 4 kalana dab ayaa la qabadsiiyay kadib markii dad u dhashay dalkani oo careysan ay kula kaceen falkan ganacsatada Soomaalida ah,

Boobkani ayaa la sheegay inuu sabab u ahaa khilaaf u dhaxeeyay dadka deegaankaasi kadibna ay Soomaalida cagta mariyeen xilli ay banaanbaxayeen inkasto aan dhimasho iyo dhaawac soo gaarin ganacsatadaasi,

Ganacsatadaasi oo qaarkood oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray lagu qiyaasayo illaa shan boqol oo kun oo dollarka Maraykanka,sidoo kale waxaa boobkaasi loo geystay Dukaamo kale ay leeyiihin Ethiopian iyo Bangaladesh,

Ciidamada Booliiska oo soo gaaray Dukaamada uu boobka loo gaysanayay ayaa Ganacsatada Soomaaalida halkaasi ka daadgureeyay waxana dhacdadan loo qabtay ku dhawaad afartan qof oo Koonfur Afrikaan ah,

Goboka Kwazulu Natal ayaa ahaa gobolada ugu wanaagsan xaga amaanka soomaalida iyo guud ahaan ajaanibta kale waxaan ganacsiyo badan ku leh Soomaali,kumanaan gaareysa .

Ugu danbeeyntii dad reer k/afrika waxay xoojiyeen boobka ganacsiyada ajaaniba madaama todabdki tagay sidan oo kale in kabadan 50 dukaan lagu boobay tuulada Duduzo ee duleedka magalada johannesburg mana muuqata talaaba cad oo ay dowlada ka qaaday dadka caadeystay boobka hantida soomaalida marka laga reebo dad ay u xir xirtay .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada