Deepika Padukone oo wax ka jileysa filimka 'Fast & Furious 7'.

Deepika Padukone oo wax ka jileysa filimka 'Fast & Furious 7'.

daajis.com:-Wargeysta "Toi" ayaa kaligii daabacay in atariishada Bollywoodka ee Deepika Padulone ay wax ka jileyso qeybta todobaad ee filimka 'Fast & Furious" ee Hollywood.

Deepika ayaa sida la sheegay ku biirtay filimkaan "Fast & Furious", eyadoo dowr muhiim ah ka cayaari doonta, waxaana filimka kula jira xiddigaha Dwayne Johnson iyo Jason Statham.
  
Filimka oo sanadka dambe soo bixi doona, Deepika xiligaan waxay qaab shaqo u joogta magaalada Dubai wax hadalana kama dhihin, eyadoo la sugayo in beryaha soo socda ay ka war bixiso bal waxa ka jira warkaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada