Daawo Sawirada 4-Madaxweyne oo go’aan mid ah ka qaatay Shirkii Adis Ababa iyo Imaatinka Axmed Madoobe ee Muqdisho

Daawo Sawirada 4-Madaxweyne oo go’aan mid ah ka qaatay Shirkii Adis Ababa iyo Imaatinka Axmed Madoobe ee Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku qaatay qaar kamid ah Madaxweynayaashii Magalaada Kismaayo Dagaalka looga saaray , kuwaa oo si weyn uga soo horjeestay Heshiiskii Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe kuwada galeen Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Kulanka Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Qaar kamid ah Madaxweynayaashii Kismaayo lagu doortay ,Siyaasiyiin , Odayaal dhaqmeed , Haween iyo Qeybo kala duwan oo bulshada kamid ah kuwaa oo si weyn iyagana uga soo horjeestay Heshiiskii Adis Ababa iyo imaantinka Axmed Madoobe uu Muqdisho ku yimid iyo sida Dowladu usoo dhaweysay.

Madaxweynaha Waamo State Cumar Buraale Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa si kulul uga soo horjeestay Heshiiskii Dowlada iyo Maamulka Axmed Madoobe waxa uuna xusay in Dowladu ay xaqiraad ku sameesay, waxa kale intaa ku datay in Dagaalka ay Axmed Madoobe la galeen ay Dowladu sababteeda laheyd , ayna ka damqadeyn sida loo xayiray loona bahdilay Wasiiro Dowlada kasocday oo xiligaasi Kismaayo kusugnaa.

Waxa kale uu Cumar Buraale Xusay in Dowlada ay Nin Dambiile ah oo dad badan laayay Muqdisho kusoo dhaweysay una maamuustay sida Madaxweyne oo kale halka ay albaabada ka xiratay Dowlada Madaxweynayaashii kale ee Kismaayo lagu doortay.

Ampasador Cabdi Warsame Shirre oo isna ka hadlay kulanka Maanta ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Hogaamiyaha Raaskanbooni la gashay heshiis xaaraan ah ayna Dowladu xaqirtay Dhinacyadii kale ee Kismaayo lagu doortay ayna sharaftay sida uu xusay nin aan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo aan u dhalan kuna wareejisay maamulkii Goboladaasi.

Cabdi Shire oo sidoo kale halkaasi ka aqriyay War Murtiyeed ay kumideesan yihiin Afarta Madaxweyne ee Kismaayo laga saaray oo kala ah , Barre Hiiraale , Cumar Buraale , Cabdi Baaley , Iftin Xasan Baasto . War Murtiyeedka ayaa lagu xusay in aysan marnaba aqbali doonin Heshiiskii Adis Ababa ayna diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan Maamulka Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen Madaxweynayaasha KIsmaayo laga saaray in xasuuq uu ka geesteen Magaaladaasi.

Qeybihii kala duwanaa ee Kulanka ka hadlay ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay Heshiiskii Dowlada iyo Axmed Madoobe wada gaareen , waxa ayna Kooxda Raaskanbooni uu Hogaakmiyo Sheekh AXmed Madoobe ku eedeeyeen in Kismaayo ka geesteen Xasuuq iyo kufsi tiro badan ay Haweenka u geesteen.

Kulanka Maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Qaar kamid ah Madaxweynayaashii Kismaayo laga saaray halka kuwa kalana ay goobta ku sugnaayeen xubno Wakiil ka ahaa oo matalayay , waxa ayna dhamaan ku mideesnaayeen sida ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Dowlda iyo Maamulka Axmed Madoobe ku gaareen Adis Ababa. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada