Dhacdooyinka naxtinta iyo layaabka leh oo maalmahan kusoo badana Qeybo badan oo kamid ah Gudaha Soomaaliya

Dhacdooyinka naxtinta iyo layaabka leh oo maalmahan kusoo badana Qeybo badan oo kamid ah Gudaha Soomaaliya

daajis.com:-Waxaa dhawaan Deegaanka Godob Jiiraan ee Gobolka Nugaal ka dhacday dhacdo xanuun badan dad badana la yaabeen kadib markii Wiil dhalinyaro ah uu halkaasi ku dilay gabar uu Jeclaa kadibna isagii is dilay.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Mahad Maxamuud Xirsi ayaa labo xabadood waxa uu ku dhuftay gabar adeerkiis dhalay oo jacel kala dhaxeeyay markii uu hubsaday in dhaawaca uu u geestay gacalisadiisa uu yahay mid halis ah ayuu isna isla goobtaasi isku toogtay halkaasina ku dhintay.

Gudoomiyaha Deegaanka uu falkan ka dhacay C/casiis Cusmaan Cabdi (Ilko Bal-balo) ayaa sheegay in gabadha oo dhaawac culus soo gaaray ay geeriyootay xili loo qaaday Isbitaal kuyaala Magaalada Garawe si halkaasi loogu daweeyo balse inta aan la gaarsiin dhax ku geeriyootay.

Gudoomiyaha ayaa xusay in falkan foosha xun ee ka dhacay Deegaanka Dodob Jiiraan ay sababteeda tahay arimo jaceyl uu sheegay in uu ka dhaxeeyay Wiilka is dilay gacalisadiisana dilay , waxa uuna intaa ku daray in Wiilka iyo gabadha ay ahaayeen ilmo adeero.

Sababaha wiilkan ku kalifay in uu ku dhaqaaqo falkan foosha xun ayaa loo aaneeyay in culees jaceylkiisa ku aadan uu kala kulmayay dhinacyo kala duwan , taa oo keentay igu dambeyn in uu dilo gabadhii uu jeclaa isna is dilo.

Falalkan Foosha xun oo ah dhaqan aysan Soomaali laheyn ayaa laga soo minguuriyay aflaanta Shisheeye ee la daawado gaar ahana kuwa Hindiga , iyadoona dhacdooyinka nuucyadan ah iyo kuwa kasii daran mudooyinkii dambe ahaayeen kuwa kusoo kordhaya gudaha Soomaaliya. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada