Shirkadda SKA oo Xoog looga saaray Garoonka Muqdisho

Shirkadda SKA oo Xoog looga saaray Garoonka Muqdisho

daajis.com:-Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si Khasab ah Shirkadda SKA looga saaro Garoonka Aden Cade ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Xalay waxa ay bilaabeen inay u raraan Qalabkii ay ku shaqeynaysay Shirkadda SKA kadib amar kasoo baxay Xukuumada, waxaana jira in Maxkamada Sare ee Dalka Soomaaliya soo saartay Go’aan Talaabadaasi lagu joojinayo.


Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in aysan Sharci aheyn in Shirkadda SKA laga saaro Garoonka, maadaama ay haysato Qandasaa mudo 10 Sano ah oo Barlamaankii hore ee KMG u ansixiyay.

Wuxuu tilmaamay in Go’aankan Xukuumada Soomaaliya ugu wareejinayso Maamulka Garoonka Shirkadda uusan ahayn mid uu Barlamaanka lasoo mariyay islamarkaana ay ansixiyeen.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa Go’aanka Xukuumada kasoo horjeeda, waxaana uu ka codsaday Xukuumada inaysan Baalmarin Sharciga dalka.

Si kastaba, waxaa Maanta oo Axad 15-ka September ah ku eg waqtigii loo qabtay Shirkadda SKA, ay kaga hawlgaleysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii horey sidaasi loogu wada heshiiyay.

Shirkada laga leeyahay dalka Turkey oo lagu magacaabo FAVOR ayaa la wareegaysa Maamulka Garoonka iyo dib u dhiskiisaba, waxaana Shirkadan ay bilowday inay la wareegto dhamaanba qalabkii ay shirkadda SKA kaga hawlgaleysay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xersi, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa u xaqiijiyay Saxaafada in SKA laga wareejiyay Arrimaha Garoonka laguna wareejiyay FAVOR.

SKA oo Fadhigeedu yahay Dalka Imaaraadka kana shaqeysa Dalalka ay dagaaladu bur buriyeen sida Soomaaliya ayaa Sanadkii 2010 waxa ay Dowladdaii KMG ahayd u saxiixday Qandaraas 10 Sano ah.

Shirakada SKA oo laga leeyahay Mareykanka oo Milkilayaalku ay yihiin Familka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush, ayaa ka howlgasha meelaha kulul oo Dagaaladu ka jiraan, Waxey hoos timaadaa Shirkada Black Water, waxeyna Majaha iyo Madaxaba kula jirtaa Maamulka Faroole.

Xarunta dhexe ee Shirkaddaasi waa Dubai, hase yeeshee waxay ka hawlgashaa xarumana ku leedaha dalalka Ciraaq, Imaaraadka, Kuwait, Afganistan iyo Bariga Afrika.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada