Dhalinyaro Soomaali ah oo Gabdho Soomaali ah jirkooda Ka Ganacsanjirtay oo lagu Helay dambi & Meeshii oo Ceeb Kataagantahay(Daawo Video)

Dhalinyaro Soomaali ah oo Gabdho Soomaali ah jirkooda Ka Ganacsanjirtay oo lagu Helay dambi & Meeshii oo Ceeb Kataagantahay(Daawo Video)

daajis.com:-Dhalinyaro Soomaali ah oo gabdhaha yar yarka ah ee Soomaalida ah jirkooda iibin jirtey ayaa waxaa la sheegay in maxkamad ku taala dalka Mareykanka ay ku heshay dambigaas.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO DHALINYARADA




Soomaalidaan oo ka koobneyd tiro ilaa iyo ku dhawaad 30 qofood oo isugu jira rag iyo dumar Soomaaliyeed ayaa 9 ka mid ah oo maxkamad ku taala magaalada Nashville ee dalkaas Mareykanka waxay 3 ka mid ah eedeysanaayshaas ay ku heshay inay geleen dambigaas ah inay gabdho yar yar oo Soomaali ah oo aan qaan gaarin ay rag cadaan ah ay igu geyn jireen hoteelo oo ayna ka qaadan jireen lacag, gabdhahaas yar yar ayaa waxaa badalkooda la siin jirey lacago yar oo ay ku iibsadaan muqaadaraad iyo qamri, Soomaalidaan oo ahayd kooxo burcad ah ayaa sidoo kale ahaa kuwo ka howl gali jirey gobolada Minnesota, Ohio iyo Tennessee iyadoona Soomaalidaas lagu soo qab qabtey howlgalo balaaran oo ay wadajir u fuliyeen booliiska, FBI, waaxda socdaalka iyo heydao kale oo qaabilsan amaanka dalkaas Mareykanka.
Ugu dambeyntiina iyadoo arinta ay ku kaceen Soomaalidaan ay tahay wax lala yaabo islamarkaana ah wax ku cusub dhaqanka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ayaa gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay ama loo bixiyey magaca ah Jane Doe No. 2 si aan loo aqoonsan oo ka mid ahayd gabdhaha ay Soomaalidaas raga u geyn jireen ayaa waxay sheegtay inay Soomaalidaas ay ilaa iyo 12 sano jirkeediiba ay iibin jireen jirkeeda oo ayna hoteelada ugu geyn jireen rag ay lacag ka qaateen, dacwada kiiskaan oo ay adkaatey ka dib markii ay qaar ka mid ah marqaatiyaasha ay diideen inay ka hor cadeeyaan dambiyada maxkamada horteeda ayagoo nafsadooda la baqaaya ayaa arintaas ay dhalisay in la waayo cadeymo buuxa, Mid ka mid ahaa kooxahaas islamarkaana ahaa marqaatiyaasha ugu muhiimsan ee dacwadaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Farax ayaa diiday inuu maxkamadaas ka marqaati furo asagoo qiil ka dhigtey inuu dhowr jeer la kulmay handadaad ku saabsan in la dili doono asaga iyo xaaskiisaba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada