Qaraxyo lala beegsaday Makhaaxida Village

Qaraxyo lala beegsaday Makhaaxida Village

daajis.com:-Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintey laba qarax oo is miidaamin ah oo lala beegsadey makhaayad ay dad badan ku sugnaayeen, magaalada Muqdisho. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmey weerarkan.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatey mas’uuliyadda weerarkan.
Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa cambaareeyey weerarkaasi is miidaamiinta ah ee dadka rayidka ay ku le’deen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in wax lala yaabo ay tahay in kooxaha cadowga ku ah nabadda oo horey u sheegan jirey inay ka soo horjeedaan dowladda iyo ciidamada shisheeye, ay maanta beegsadaan dad rayid ah oo makhaayad ku shaaheynayey.

Waxaa isna weerarkaasi cambaareeyey Ergaygga-Gaarka  ah  ee Xoghaya- Guud ee Qaramadda Midoobay, Nicholas Kay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada